Obama oo si dirqi ah uga badbaaday qalab qarax lagu hardhay oo loo hadiyadeeyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adaheeda amaanka ay gacanta ku dhigeen Haweeney 46 jir ah oo damacsaneyd inay disho Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Mareykanka ayaa sheegay in Haweeneydaasi ay Barack Obama iyo guddoomiyihii gobolkaTexas Greg Abbott ay u dirtay qalabka qarxa si ay u disho.

Haweeneydan oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay inay qorsheysay dilka labadaasi mas’uul, waxa ayna Xeer ilaaliyeyaasha sheegen in dilka la qorsheeyay uu ahaa mid fashilmay.

Xeer ilaaliyeyaasha waxa ay sidoo kale ku doodeen in walxaha qarxa ay haweenaydan ugu tala gashay inay ku disho labada mas’uul haddii qalabka la furi laha sidii loogu talagalay.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyeyaasha ayaa carab dhabay in Haweeneydaas ay horay u gashay danbiyo kala duwan, iyadoo Dukumiintiyada maxkamadda horyaal ay muujinayaan in haweeneydaasi lagu hayo 6 Dacwadood oo ay gashay gudaha Bisha aan ku jirno.

Dacwadaha ay soo bandhigtay maxkamada ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in danbiyada loo hayo Haweeneyda ay qaarkood ku jiraan waxyaabo khasaaro keeni kara iyo waxyaabaha qarxa oo sababi kara dhimasho ama dhaawici karay siyaasiyiinta.

Docda kale, waxyaabaha Qarxa ee loo adeegsaday Barack Obama iyo Greg Abbott ayaa waxaa kamid ahaa telefoonka gacanta, baakadka sigaarka iyo qalab kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com