Arrin cusub oo kusoo korortay muranka hawada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa Hay’adda Qaramadda Midobay u qaabilsan Duulista Hawada ee ICAO, ayaa dood culus ka keenay tabashada DFS ee maamulka Hawada.

Agaasimaha Hay’adda QM u qaabilsan duulista hawada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu ayaa dhambaal uu usoo diray DFS ku muujiyay sida ay QM uga xun tahay in lagu faragaliyo Hawada Somalia, xili aysan dowladu heysan awood ay ku maamusho hawadeeda.

Dr. Olumuyiwa Benard Aliu, ayaa dhambaalkiisa ku sheegay ku sheegay in Hay’ada ICAO aysan awood buuxdo u laheyn in xiligaani ay ka jawaabto dalabka Madaxda Somalia ee ku aadan in lagu soo wareejiyo Hawada Somalia.

Agaasimaha ayaa soo hadal qaaday Agab qaali ah oo loo waday Xarunta ICAO ee magaalada oo ku xaniban magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in agabkaasi uu ku fadhiyo dhaqaale xoogan isla markaana ay DFS ka biya diidan tahay inay soo galiso gacanta maamulka Hay’addda ICAO ee magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay in agabkaasi si khaldan looga dajiyay Somalia balse ujeedka uu ahaa in lasoo gaarsiiyo Xarunta ICAO ee magaalada Nairobi.

Agaasimaha waxa uu muujiyay in DFS aysan heysan khibrad ku filan oo ay ku maamuli karto Hawada Somalia, waxa uuna ku baaqay in dowlada Federaalka ay muujiso sabar inta ay socdaan dadaalada lagu soo wareejinaayo Hawada Somalia.

Warbixinno sir ah oo la baahiyay ayaa muujinaaya in Saraakiil sar sare oo ka tirsan ICAO iyo xaafiiskooda Nairobi ay u arkaan maamulka hawada Somalia inay u xalaalowday QM, iyadoo aan laga bixin doonin gacanta QM muddo 10 sano oo hadda dhiman.

Warbixinta ayaa intaa kusii dareysa in Hay’ada ICAO ee Nairobi ay si cad u diiday in Somalia laga caawiyo xoojinta duulista hawada Soomaliya, halka taa bedelkeeda ay xoojinayaan xafiiska ICAO ee Nairobi.

DFS oo iyana dhambaal u dirtay Maamulka QM, gaar ahaan Hay’ada ICAO, ayaa ka dalbatay in muddo 3 bil gudaheeda maamulka Hawada Somalia si buux loogu soo wareejiyo DFS.

Ma jirto wax jawaab ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Maamulka ICAO markii laga soo tago dhambaal laab qaboojin ah oo ay soo gaarsiiyen DFS, kaa oo aan ka turjumeynin xaqiiqda dhabta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com