Sawirro: Askari ilaaliya xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo fal laga argagaxo ku kacay

Ciidamada booliska ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiigli si bareer ah u toogtay Aabe Soomaaliyeed oo labo caruur ah oo uu dhalay gaari ku waday xili ay marayeen isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Gacan ku dhiiglaha dilka geystay oo lagu magacaabo Qaasim Ibraahim Aadan ayaa loo gacan geliyay hay’adda dambi baarista ee CRD. Askarigaan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada Xildhibaan Xusen Cali Xaaji oo ka tirsan Aqalka Sare.

Allaha u naxariistee Marxuum Cumar Nuur Cali ayaa waday gaari nooca Primia, waxaana la saarnaa labo caruur ah oo uu dhalay. Askariga dilka geystay ayaa saarnaa gaari kale, wuxuuna ku amray in uu ka hor leexdo gaariga uu saarnaa kadibna wuxuu ku furay xabadda oo ka haleeshay cunaha.

Labadii caruur ee uu dhalay ayaa argagax iyo shook ku dhacay, markii ay arkeen aabahood oo si bareer ah xabad loogu dhuftay, goobtana ku ruux baxay.

Waxaa falkaan sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo goobta ka iibsanaysay qaad, kuwaasi oo gaariga uu jiiray markii xabada lagu dhuftay marxuumka dhintay, kaasoo kontorooli waayay gaariga inuu celiyo.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa waxaa aad ugu argagaxay dadkii goobta ka dhawaa oo ku soo xoomay caruurta yar yare e aabahood lagu hor dilay.