Axmad Madoobe oo ogolaaday wixii in muddo ah lagu kari waayay

Hogaamiyaha Ururka Raaskambooni Axmad Madoobe ayaa  u muuqda nin wax ka baddalay mowqifkiisa ku aadanaa maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee dalka Somalia.

Axmed Madoobe oo horey looga soo xigtay in Dowladda Somalia aysan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha dhismaha Jubbaland, ayaa iminka ogolaaday in dowladda gacan ku yeelato maamulkaasi.

Tani waxa ay timid kadib markii wati sare oo ka socda DF ay shalay booqdeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isaga oo la hadlayay waftiga ayaa Axmed Maxamed Islaam waxa uu sheegay in maamul u samaynta Kismaayo ay ku jirto gacanta Dowlada Somalia.

Laakiin Wasiirka  Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka Cabdikiriin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in shacabka ay la tashi la samaynayaan maamulkii ay rabaana loo hirgelin doono.

Si kastaba dad badan ayaa hadalka Axmed Madoobe ku macneeyay mid diblomaasiyadeed.

Tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheikh uu booqday Kenya, oo uu sidoo kale kula kulmay Axmed Madoobe ayaa labada dhinac u muuqdeen kuwa isku soo dhowaanaya.