Axmed Fiqi: Waxaa lagu qanci karaa in maxkamad lasoo taago dadkii dhiibay Qalbi Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayaan Xildhibaanada kasoo horjeeda in Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax kusii jiro gacanta dowlada Ethiopia ayaa waxaa Xildhibaanadaasi ku biiray Axmed Fiqi oo ka tirsan baarlamanaka Somalia.

Xildhibaan Axmed Fiqi, ayaa sheegay inay khalad tahay in arrinta Qalbi Dhagax loo sameeyo marmarsiyo, waxa uuna xaqiijiyay in Kiiska Sarkaalkaasi uu yahay mid lamariyay wado aan xaqiiq aheyn.

Fiqi ayaa sheegay in dadkii ay guddigii baaritaanada waday wareysteen aysan aheyn kuwo awood weyn ku leh dalka, sidaa aawgeed la marin habaabiyay kiiska Qalbi Dhagax.

Xildhibaan Fiqi, oo ay xiganeysay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arrintaan ay ku wanagsaneyn in wax badan laga weeydiiyo madaxdii dalkaan lagu aaminay balse aan lala aadin Hay’adda Nabadsugida oo waajibkeeda gudaneysa.

Axmed Fiqi waxa uu sidoo kale soo jeediyay in lasoo qabqabto shaqsiyaadka howlgalkaasi ku taliyay ee ka tirsan Hay’adda Nabadsugida, waaba haddii ay jirto eedeynta loo jeediyay Hay’adda, sida uu hadalka u dhigay.

”Arrintaan waa inaan la dhaliilsan oo gacanta lagu soo dhigaa shaqsiyaadka ku lug lahaa Kiiska dhiibista Qalbi Dhagax. waxaa khasab ah in la maxkamadeeyo dadkii ku lugta lahaa kiiska”

Waxa uu sidoo kale cadeeyay in arrintaani aan looga hari doonin dowlada Somalia, inta meel looga hubsanaayo kiiska Qalbi Dhagax.

Geesta kale, waxa uu Axmed Fiqi ku baaqay in dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxda ugu sareysa dalka ay keenaan cadeynta sababta ay u dhiibeen Qalbi Dhagax, maadaama ay iyaga qaaden mas’uuliyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com