Axmed Madoobe iyo Cabdi Weli Gaas oo loolan adag ugu jira xilal dheeri ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa xusul doob adag ugu jira helida kuraas dheeri ah, kadib markii lagu qanciyay Wasaarado tayo leh.

Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ayaa doonaaya Kuraas dheeri ka ah Golaha Wasiirada waxaana lasoo warinayaa inay dalbadeen Agaasimayaal, Waaxyo iyo Taliyayaal ciidan oo ay ku gudbiyeen Warqado daabacan oo gaartay Madaxda ugu sareysa dalka.

Axmed Madoobe ayaa dalbaday Wasaaradaha kadib in lasiiyo Agaasimayaal iyo Waaxyo ka tirsan Wasaaradaha, waxa uuna sidoo kale dalbaday in lasiiyo laba Taliye Ciidan oo kala Hay’ado duwan.

C/wali Gaas ayaa isna la xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha uu ka dalabaday Seddex Agaasime Wasaaradeed iyo hal Taliye ciidan, waxa uuna iminka ka dhowr sugayaa Madaxda ugu sareysa dalka.

Maamul Goboleedyada iyo Beelaha ugu tunka weyn ayaa loolan ugu jira sida ay ku kala qeybsan lahaayen Agaasimayaasha iyo Waaxyaha Wasaaradaha, waxaana la xaqiijiyay in ballanqaadyo ay ka heleen Villa Somalia.

Dhinaca kale, qeybinta Agaasimayaasha iyo Waaxyaha ayaa la filayaa inay dhici doonto Ansixinta Golaha Wasiirada kadib, waxaana si saami ah loogu qeybin doonaa Beelaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com