Axmed Madoobe oo hal arirn ku micneeyey shirka golaha Wasiirada ee Kismaayo

Kismaayo (caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland, halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada.

Labo diyaaradood oo lagu kala qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa la diyaariyay, kuwaasoo ka kala degi doona magaalada Kismaayo gelinka hore iyo gelinka dambe.

Haddaba madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe ayaa ka hadlay shirka golaha wasiirada berry uga furmi doono Magaalada Kismaayo, wuxuuna ku tilmaamay inuu kulankaas hal arrin muujinayo.

Wuxuu sheegay inay arrintaan muujineyso guul usoo hoyatay maamulka Jubbland  iyo dadkiisa, wuxuuna tilmaamay inay  guul u tahay shacabka reer Jubbaland in Dowladda Dhexe ay ku shirto Magaalada Kismaayo oo Ra’iisal Wasaaraha dalka iyo Golihiisa Wasiirada ay tagaan Magaaladaasi.

Wuxuu yiri: ““Dowladda ha socoto ha dhaq dhaqaaqo ha tagto deeganada Gobolada dalka meel walba ha tagto inay dowlad Federal tahay oo dalka dhan mataleyso ha cadeyso, Shirka Golaha Wasiirada ay yeelan lahaayeen ee ugu soo horeeyo inuu ka dhaco Magaalada Kismaayo oo marti ay noo ahaadaan waa arin farxad leh, sidaasi oo kale Guddiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay iyagana noo yimaadaan oo Kismaayo ku shiraan.”

Wuxuu dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey inay ka shaqeyso sidii loo muujin lahaa in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad is jecel isla markaasna ay ka dhaxeyso dowladnimada, wuxuuna ballan qaaday inay shirkaas u agaasimi doonaan si habsami leh isla markaasna la adkeyn doono amniga si uusan u fashilmin shirkaas.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay inay dowladda Soomaaliya ka rajeenayaan in shirarka noocaan oo kale ah la gaarsiiyo dalka oo dhan isla markaasna maamul Goboleedyada loo muujiyo inay wax ka leeyihiin dowladda dhexe.

Kulanka ay golaha wasiirada ku yeelan doonaan berry Magaalada Kismaayo ayaa noqon doono mid taariikhi ah maadaama uu yahay midkii ugu horeeyey ee lagu qabto meel ka baxsan Magaalada Muqdisho.