Axmed Madoobe oo ka qeyliyey boob cusub oo ka taagan magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatooyin la xiriira dhanka dhulalka oo waayadan ka taagan magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhibaatooyinkaas ay iminka yihiin dacwadaha ugu badan ee yaalla Saldhigyada iyo maxkamada maamulka.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in qudhiisa ay dacwadahaas soo gaaren, isla markaana ay yihiin kuwo yaala xafiiskiisa, waxa uuna cadeeyay inay wadaan xal.

Madoobe waxa uu sheegay in markii uu la kulmay bulshada qeybaheeda kala duwan ay tahay cabashada ay u soo gudbinayaan dhibaatooyin ay sababeen isqabqbsiga dhulalka.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhawaan uu wareegto ka soo saari doono isqab qabsigaas si looga gudbo.

Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu cadeeyay in Taliyayaasha Saldhigyada iyo Maxkamada uu fari doono inay dhex dhexaad ka noqdaan isqabqabsiyada dhulalka, si looga fogaado eex iyo wixii lamid ah.

”Waxaan rajeynayaa inaan xal u raadin doono isqabqabsiyada dhulalka ee ka taagan magaalada Kismaayo, cidna laguma garabsiin doono dhul aysan laheyn, cidna lagama qaadan doono dhul ay leedahay”

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu dhinacyada garsoorka ugu baaqay inay u cadaalad falaan kuwa dulman ee lagu heysto dhulkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com