Axmed Xuseen: Soomaaligii ugu horreeyey ee wasiir ka noqda dal Reer Galbeed ah

Ottawa (Caasimada Online) – Axmed Xuseen oo ah Soomaali haysta dhalashada dalka Canada ayaa dhigay taariikh cusub markii uu maanta noqday qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo wasiir ka noqda dal reer Galbeed ah.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau oo maanta isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada dalkaas ayaa Axmed u magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Canada.

Waa jago aad u sarreysa oo muujineysa miisaanka Axmed uu ku dhex leeyahay xisbiga haya talada dalka Canada ee Liberal-ka.

Axmed Xuseen ayaa dabayaaqaadii sanaddii 2015 sameeyey taariikh cusub markii uu noqday qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee ka mid noqda baarlamanka dalka Canada.

Axmed ayaa ah qareen iyo qof u dhaqaaqa arrimaha bulshada, waxaana laga soo doortaa xaafadda York-South-Weston ee magaalada Toronto.

Axmed oo ku dhashay kuna koray Soomaaliya ayaa waxa uu dalka Canada degay sanaddii 1993-kii. Waa madaxweynaha golaha Soomaalida Canada, isaga oo u dhaqaaqa arrimaha Soomaalida.

Waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, English iyo Swahili, waxa uuna shahaada heerka koowaad ee Taariikhda uu ka qaatay jaamacadda York University, isaga oo shahaadada heerka labaad ee sharciga ka qaatay jaamacadda Ottawa University.

Caasimada Online
Xafiiska Toronto
caasimada@live.com