Baaritaan: Danaha qarsoon ee Imaaraatka ka leeyahay Somalia iyo halista ka iman karta

Muqdisho (Casimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horumar lixaad leh ku sameyneysa militarigeeda Geeska Afrika. dhawaantan, ayey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu la saxiixatay maamulka Somaliland oo sheegta dowlad ka madax bannaan Somalia oo aan weli la aqoonsan, heshiis soconaya 25 sanadood, kaas oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta uga dhisaneyso Magaalada xeebta ah ee Ber-Bera saldhig milatari oo Cirka iyo Badda ah.

Sanadkii hore ee 2015, ayey Dowladda Imaaraadka Carabtu heshiis sidaan oo kale ah, oo ay ku dooneyso in Dekedda Casab ay u isticmaasho qorsheyaal military la saxiixatay Dowladda Eriteeriya.

Markaay timaado iskaashiga amni ee u dhaxeeya labada Dowladdood ee Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya,  waxaa Imaaraadka Carabtu ay tababaraan, sidoo kalena qalabeeyaan Laamaha Amniga iyo Waaxda la Dagaalanka Argagixisada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo M/Goboleedka Puntland oo ay gacan ka siiso sidii loo abuuri lahaa ciidanka Booliiska Badda, iyadoo sidoo kale ka gacan siisa tababaristooda iyo qalabeyntoodaba.

Alex Mello oo Falanqeeye arrimaha amniga ka ah Hay’adda Horizon Client Access, xarunteeduna ay tahay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in dagaalka sokeeye ee ka soconaaya Yemen uu yahay sababta ugu weyn ee Dowladda Imaaraadku ay sidan dhaqsaha ahi ugu balaarineyso joogitaanka militarigeeda iyo saameynta ay ku yeelaneyso Geeska Afrika. Dowladda Imaaraadka ayaa ka bar-bar dagaalameysay dowladdo kale oo ka tirsan Bariga Dhexe, dagaal looga soo horjeedo maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo ay Iiraan taageerto.

Dowladda Imaaraadka ayaa saameyn ku yeelaneysay Geeska Afrika tan iyo bartamihii sanadkii 2000, Mello ayaa sidoo kale sheegay in saldhigyada military ee Dowladda Imaaradku ay haatan yihiin qeybahoodii ugu danbeeyey intii sanado ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay maalgelin ka sameysay Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo Jaziiradaha ku yaala Badweynta Hindiya, iyadoo ka taageertay Dalxiiska, Dakadaha, Gaaska Dabiiciga, Cuntada iyo Horumarinta arrimaha Gar-gaarka.

Alex Mello ayaa intaa waxaa uu ku daray in Saldhigga Ciidamada Cirka oo ay Dowladda Imaaraadku ka sameysatay Dekedda Casa ee Dalka Eriteeriya uu yahay xarunta Loojiistikada ee Howlgalladooda military ee ka dhan ka ah Dalka Yemen. Sidoo kale Dowladda Imaaraadka ayaa bilowday sanadkaan horumarinta heshiisyo u muuqda kuwo waqti dheer jiraya, heshiisyadaasi oo u ogolaanaaya in ay ka kormeeraan dhaq-dhaqaaqa baddeed ee mandiqada.

Waxaa meesha ka marneyn in heshiiska Imaaraatka Carabta ay la galeen Maamulka Somaliland uu suurtogalinayo inuu burburiyo koontaroolida iyo xadeynta ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku heyso shixnadaha Dowladda Bad la’aanta ah ee Itoobiya uga soo dega marsada Jabuuti, haddii ay tani dhacdana waxaa ay cadeyn iyo fursad qaali ah u noqoneysaa in dhaqaale ahaan ay Somaliland ku faa’iido.

Qorshahaan ayaa sidoo kale noqonaya mid Imaaraatka Carabta ku doonayaan inay ku go’doomiyaan Itoobiya, iyadoo saldhiga ciidan ee ay ka sameysateen Eriteriya iyo kan Berbera awood u siineysa inay kontoroosho dalalka Geeska Afrika, hase ahaatee qatar dhinaca amniga u keeni doonta mandaqada Geeska Afrika oo dhan.

Dhamaan arrimahaasi waxaa kaaga soo baxaya in danaha qarsoon ee Imaaraatka uu ka leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo sida ay ugu tafaxaydatay inay maamusho siyaasadda Soomaaliya, iyo in ay taageerto musharaxiin uu ka mid yahay Cumar C/rashiid oo u aragtay inuu fulin karo danaha ay ka leedahay Soomaaliya, laakiin dib ugu noqotay taageeradii ay u muujisay.

Si kastaba, faro-gelinta ay Imaaraadka ku sameynayaa siyaasadda gudaha ee Soomaaliya ayaan si wanaagsan looga soo dhoweyn gobollada Koonfurta, gaar ahaan magaaalda ugu dadka badan Soomaaliya ee Muqdisho.

“Xaqiiqda ah in Imaaraadka ay taageerayaan siyaasiyiin aan laga jecleyn Muqdisho, waxay leedahay qatarteeda, Soomaaliya waa dal qabyaaladda ay meel sare kaga jirto. Haddii dadka Muqdisho kasoo horjeestaan Imaaraadka, waxay halis ku tahay qorshahooda, waayo inta badan dowladaha dalka ayagaa hogaamiya” ayuu yiri Porf. Adan Cabdiraxmaan oo Muqdisho jooga oo la hadlay Caasimada Online..

“Waxaa tusaale kuguu filan, marka aad dadka weydiiso farqiga u dhaxeeya Turkiga iyo Imaaraadka, oo labadaba ku lug leh siyaasadda Soomaaliya, waxay kuu sheegayaan inay kala yihiin walaal iyo cadow, taasi waxay fariin u tahay Imaaraadka inay beddelaan siyaasaddooda”

“Waxaa kale oo xusid mudan inta badan warbaahinta Soomaaliya, ama kuwooda ugu awoodda badan, oo webkan Caasimada Online uu ku jiro waa diidan yihiin siyaasadda Imaaraadka, waana ayaga kuwa siyaasadda dalka jiheeya, taasi oo Imaaraadka caqabad ku ah” ayuu yiri

Su’aasha is-weydiinta mudan ayaa waxaa ay tahay, Imaaraadka ma beddeli doonaan siyaasadooda oo ma ka dhigi doonaan mid ku saleysan wada daneysi Soomaalida iyo ayagaba dan ugu jira, mase waxay ku socona doonaan waddo ku hogaamisa in dalka looga kaco?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com