Xildhibaanada BF oo ku kala jabay golaha wasiirada iyo xildhibaano is muujiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan BFS ayaa ku kala jabay taageerida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee uu dhawaan magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre.

Xildhibaan Abdishakuur Cali Mire oo kamid ah Golaha BFS ayaa sheegay inaanu jirin Xukuumad u dhigmeysa tan uu magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre.

Xil. Abdishakuur Mire, waxa uu sheegay inaanu waxba tareynin mucaaradka Xukuumada cusub waxa uuna cadeeyay in Xildhibaanada ay ku kala aragti duwan yihiin magacaabida.

Waxa uu sheegay in aragti ahaan uu qabo in xukuumadan hada la dhisay ay tahay midii ugu saxneyd ee la dhiso marka dhinac walba loo firiyo, waxa uuna carab dhabay in dhammaan beelaha laga simay dhanka awood qeybsiga.

Abdishakuur Mire oo ka jawaabayay qoraalki Jawaari u diray Ra´isal wasaare Kheyre ayaa sheegay in Jawaari uu wato aragti isaga uu leeyahay balse aysan aheyn sharci sida uu hadalka u yiri xildhibaanka .

Xildhibaanka oo ka mid ah xildhibaanada ka horyimid talo soo jeedinta iyo in lagu laabto dhismaha golaha ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaano kallo badan ay ka soo horjeedaan, isla markaana ay meelmarin doonaan Xukuumada cusub.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo ka mid ah Xildhibaanada BFS ee sida ba’an kaga soo horjeeda Xukuumada cusub ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xukuumadda dib loogu laabto dhismaheeda.

Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar, waxa uu cadeeyay inaan la aqbali doonin inay shaqeyso Xukuumada cusub, waxa uuna ku tilmaamay mid aan xaq aheyn.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu soo magacaabay Wasiiro hareermarsan Awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Mudanayaasha kasoo horjeeda Wasiirada cusub badankood waxa ay kasoo jeedaan Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com