Baarlamaanka Galmudug oo laga mamnuucay shirarka

Cadaado (Caasimada Online) –  Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweyne ku-xigeenka maamulka uu si cad u hakiyay Shirarka ay isugu imaan lahaayen Xildhibaanada Maamulka.

Xildhibaan Duuraan Cali Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Maamulka ayaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka maamulka uu is hortaagay shirka waxa uuna tilmaamay in Shirarka socday la hakiyay ilaa amar danbe.

Duuraan waxa uu tilmaamay in Shir u socday la joojiyay kaa oo looga hadlaayay sida xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Cali Gacal Casir.

Xildhibaan Duuraan waxa uu cadeeyay in sababta loogu diiday Shirarka ay tahay in Madaxtooyada Maamulka ay ka warheshay in fadhiga uu yahay mid xilka looga qaadaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Maamulka wali kama hadal sababta loo hakiyay Shirarka Baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com