Baarlamaanka oo dib ugu celiyay xukuumadda sharci muhiim u ah la dagaalanka masuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullankii baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Sheekh Ibraahim “Muudeey” ayaa looga hadlay hindise sharciyeedka guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka masuqmaasuqa.

Hindise sharciyeedka la dagaalanka masuqmasuqa ayaa waxaa xildhibaanada ka hor kkhriyay wasiirka caddaalada Xasan Xuseen Xaaji, isagoo xildhibaanada u gudbiyay faa’iidada uu sharcigaan bulshada iyo dowladdaba u leeyahay.

Xildhibaan, Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa soo jeediyay in maadaamaa sharcigan qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin loo baahan yahay in dib loogu celiyo wasaaradda si loo dhameystiro.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, ayaa sheegay in sharcigan uu u baahan yahay in lagu soo daro qodobada ka maqan isla markaana wasaaraddu dib loogu celiyay hindise sharciyeedka la- dagaalanka musuq maasuqa.

Dhanka kale, xildhibaan, Maxamed Cabdi Gaandi, oo ah guddoomiyaha gudiga dib-u-heshiisinta ee ee golaha shacabka ayaa sheegay in dagaal beeleedyo dhibaatooyin badan dhaliyay ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka,wuxuuna ku baaqay in dagaaladaasi la jooiyo.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka. Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey. oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudoonka golaha shacabka uu ku baaqaayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyadaasi.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com