BF oo diiday go’aanka ay maxkamada sare ku laashay kuraasta 8 xildhibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay maanta ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa looga doodaayay go’aankii Maxkamada Sare ay ku laashay kuraasta 8 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Kulanka Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka oo weli ka socda Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa dood dheer iyo falanqeyn kadib cod u qaaday in Xubnaha Golaha Shacabka ee 8da ah ee Maxkamadu laashay 26,kii Bishii May iyo Go’aanka laga qaadan karo.

Xildhibaanada ayaa Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in Xildhibaanadaas ay yihiin kuwo ansax ah isla markaana go’aanka Maxkamada Sare ay ku laashay uusan waxba ka jirin.

Xildhibaanada ka hor imaaday go’aanka ay Maxkamada Sare ku diiday doorashadii 8 Kursi ee Golaha Shacabka, ayaa ku dooday inaanu ansax noqon doonin doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha maadaama Xildhibaanada codeeyay ay ku jireen kuwa la diiday.

Xildhibaanada Doorashadooda maxkamada sare ay amartay in dib loogu laabto, ayaa kala ah.

1-Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2-Maxamed Saciid Cabdullahi

3-Maxamed Axmed Abdtidoon

4-Nadiif Aadan Isaaq

5-Muna Khalif Sheekh Abu

6-Cabdicasis Salax Carmaan

7-Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8-Samra Ibrahim Cumar

Geesta kale, Xildhibaanada Sideeda ah oo ay Maxkamadu diiday doorashadii ay kusoo baxeen ayaa miisaan ku dhex leh Golaha Shacabka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com