Baarlamaanka Soomaaliya mooshinku ma u quud baa mise waa qaran dumin?

Markii laga soo tago burburkii dawladii dhexe waxaa dalka ka dhismay dawlado ku meel gaar ah iyo kuwa dhameystiran,laga soo bilaabo 2000dii oo Carta laguu dhisay dawladdii Cabdiqaasin uu madaxweynaha ka aha ilaa manta oo aan joogno 2017 waxaa wadankeenna ka dhismay dhawr dawladood aan ka soo qaadnee dawladdii Cabdiqaasin waxaa dumiyey oo ay la shaqeyn weydey Mooshin Baarlamaanku wado oo aan meel uu u jeedo la aqoon.

Dawladii lagu soo dshisay dalka Nairoobi magaalada Embigaat ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayadana waxaa ragadiyey oo ay ka shaqeyn weydey mooshin Baarlamaan ilaa madaxweynhii meesha ka baxay lana doortay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed,  barlamaanka mooshinkiisu wuxuu ahaa ma garaneyno hadaan shacabkii nahay meesha maqaarku ka qurmay, baarlamaanku ku xisaabtimi maayaan in ay shacaka matalaan uuna baahanyahay shacabku in loo shaqeeyo,Dawladii Xasan sheikh mooshinku waa xad dhaafay ilaa laga takhaluso sadeex ra’sul wasaare,saddexdaas markii laga reebo Cumar Cabdirashiid shaqeyn la’antooda waxaa loo aaneynaya mooshin barlamaan .

Maanta aan joogno oo ah 2017ka waxaa si weyn suuqa ugu jira in dawladda laga keenayo mooshiin haddii ay suura gasho lagu ridayo xukuumadda uu hogaaminayo Xasan Cali Khayre,taasina waxay natuseysa in ay Barlamaanka isaga qasantahay mucaaradka wax dhisa ee tilmaama dhaliilaha dawladda lana xisaabtama waxna toosiya iyo midka wax dumiya oo qoriga wata.

Haddii gadaal u noqono Madaxweynaha waxaa la doortay taariikhdu markey ahayd 8/2/2017 weli umay buuxsamin lix bilood ra’isul wasaaruhuna waa ka dambeeyey wax la taabankarona way qabteen ummaduna u riyaaqday.Sida awgeed waxaa ii muuqta aniga iney mooshinka wadaan rag umad kale u shaqeynaya oo magaca un nala sheegta wayo macquul ma ahan awlad aan shan bilood gaarin in mooshin Laga keeno.

Gabagabada warkeygu raga danta gaara lahow shacabku waa idin arkaa indhahana idinka qabsan maayo waa ogtihiin Dawladii TURKIYA ciidan ma badbaadin madaxweynana ma badbaadin ee waxaa badbaadiyey Shacabka reer Turkiya ee geesyaasha ah shacabka Soomaaliyeedna dawla dooda way difaacanayaan ogaadana shacabka ayaa idin soo doortay,idimana aanan soo dooran inaad horusocodka noo diidaan qorrax soo baxdayna calaacali ma daboosho.

Wa billaahi Tawfiid

Maqaaladaan waxaa diyaariey

Maxamed Xuseen Barkhadle