Badda oo kusoo fatahday degmo qadiimi ah oo ka mid ah Puntland

Dadka degan degmada Caluula ee maamulka Puntland ayaa qeyla dhaan iyo codsi u diray maamulka Puntland kadib markii ay badweynta kusoo furan oo qeyb ka mid ah degmada bad noqotay.

Wararka laga helaayo degmada Caluula, waxay xaqiijiyeen in qayb kamid ah magaalada  ka mid noqotay badda iyadoo biyuhu soo galeen guryo badan islamarkaana la tageen ku dhawaan 20 kamid ah doonyihii Kalluumaysatada.

Arrintan ayaa timid kadib markii Ciid ay xirtay Kannaal biyuhu gali jireen xilliyada baddu kacsantahay, taasoo sidoo kale ay miciirsi usoo raadsan jireen noolaha Kalluunku kamid yahay ee ku jira Badda.

Gudoomiyaha degmad Caluula ee gobolka Gardafuu Cali Shire Maxamud Cusmaan, ayaa sheegay in dowladdu ka jawaabi la’dahay baaqyo ay dirayeen ilaa bishii Afaraad ee lasoo dhaafay.

Dadka degan deegaanada hoos yimaada Caluula ayuu sheegay inay isugu yeereen si loo xalliyo dhibkan kalifay in dadkii ay ka barakacaan qaybo kamid ah magaalada, balse ay ku guulaysan waayeen maadama sida uu xusay loo baahanyahay gadiid lagu faago ciidda.

Wuxuu sheegay inay xiriir la sameeyeen dhammaan golayaasha maamulka Puntland oo ay ugu dambaysay baaq ay usoo direen wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, balse ilaa hadda aysan u muuqan saan saan lagu caawinayo iyo jawaab ay helayaan.

Muuqaalo laga helaayo degmada Caluula ayaa muujinaya guryo badan oo galay badda kadib markii biyuhu kasoo tallaabeen xadki ay joogeen, waxaana laga cabsi qabaa in degmada gabi ahaanteeba qarsoonto.

Guddoomiyaha Caluula, oo haatan ku sugan magaalada Bosaso ayaa tilmaamay in hadii aan dhaqso wax looga qaban dhibkaas arrintu noqon doonto mid aan waxba laga qaban karin oo sababi karta in magaaladu isu badasho gabal kamid ah Badweynta.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Puntland, mana muuqata saansaan lagu badbaadinaayo dadka deegaanka oo halis ugu jira in baddu la tagto.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismayao
Caasimada@live.com