Bankiga Dhexe oo war ka soo saaray dabkii xalay ka kacay xarunta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray faah-faahin uga bixiyey dabkii xalay ka kacay qeybo ka mid ah xarunta Bankiga ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Bankiga, oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dabku uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin. Hoos ka aqriso war-saxaafadeed

War saxaafadeed

Habeenimaddii xalay oo taariikhdu 27/12/2010 ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd.

Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin. Ciidanka ilaalada Bangiga Dhexe ayaa markiiba ogaaday, isla-markaana degdeg u wargeliayay Ciidanka Dabdemiska, Maamulka Bangiga, Hay’adaha amniga iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Dabdemiska oo muddo daqiiqado kooban ah ku demiyay dabkaas. Ma jiro wax khasaare naf ama hantiyeed oo soo gaaray Bangiga Dhexe, marka laga reebo fiilooyinka korontada ee qolkii dabku ka kacay oo u baahan in la beddelo.

Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu u mahad celinaynaa ciidamka dabdemiska iyo hay’adaha amniga oo gacan weyn ka geystay in laga hor tago in khasaare ka dhasho dabkaas.

==Dhammaad==