Barakacayaasha Kismaayo Oo Ka Cabanaya Darxumo Iyo Gaajo

Kismaayo (Caasimadda online) – Xeryaha barakacayaasha magalada Kismaayo oo ay ku nool yihiin kumanaan qoysas oo sabool ah waxaa ka taagan xaalado bani’aadanimo oo is biirsaday kuwaasoo ay ugu horreyaan noolal xumo, caafimaad darro, waxbarasho la’aan iyo arrimo kale.

Maxamed Aadan Yacquub Doobiyow waa gudoomjiyaha xerada Bader 1 iyo 2 ee magaalada Kismaayo oo ay ku noolyihiin in ka badan 350 qoys barakacayaal ah wuxuuna  Ergo uu uga warramay dhibaatooyinka iyo xaaladda ka taagan xerada Badar, “waxaa xeradaan dadka ku  haysta dhibaato badan, caafimaad darro ayaa jirta, maamulka xerada ayaa xun, xagga raashinka ayaa iyana adh dhibaato kale, dadkuna magalada dhexdeeda ayey u xoogsi tagaan oo ay ka soo dhacsadaan qutal yoonka”

Dhibaatooyinka iyo daruufaha adag ee dhanka nolasha ah waa kuwo ay ka wada siman yihiin dhabaanba dadka barakacayaasha ah ee ku jiraa inka badan 40 Kaam oo ku yaalla gudaha magaalada Kismaayo, Cabdiraxman Cabdullaahi Xaaji waa gudoomiyaha xerada Buulo Hufweyn oo ku taallo xaafada Iskufilan ee magaalada Kismaayo, wuxuuna mar uu Ergo uu u warramayay uu sheegay in xaalada ka taagan Kaamkiisa aanan lagu tilmaami karin noolol “dadka gaajo ayey u bakhtiyayaan, raggu shaqo ma haystaan, magaaladu ma lahan wax kaa soo gala, inkastoo ay ka badbaadeen dagalladii dhacay, haddana ay ugu darantahay gaajo ka taagan xeradaan”

Haweenka barakacayaasha ah ee magaalada Kismaayo ayaa iyagu ah kuwa inta badan dadaala sidiia ay u maareyn lahaayeen qoysaskooda, iyagoo xaafadaha magaalada Kismaayo ka qabta shaqooyin yar yar oo ay ka helaan dhaqaale aanan ku filneyn nolasha qoysaskooda, hasayeeshee haweenku waxay walaac xooggan ka muujinayeen qabashada shaqooyinkii ay markii hore ka qaban jireen gudaha magaalada Kismaayo “annigoo ah Xaliimo kuna nool xerada Buulo Hufweyn, haysatana 8 carruur ah, annoo sooman ayaan kallahay, sagaal jirikaan oo biyo ah ayaan u geeyey qoys aan aqaanay, markaan dhameeyeyna waxay itiri lacag ma haysto ee igu yeelo, waxaanan soo noqday makhribkii annigoo fara maran, wax aan siiyo carruurtaydana aan hayn, waxaan codsanaynaa intaanan macaluul u dhiman in gurmad naloo sameeyo”

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose wali si rasmi ah hay`adaha samafalka ugama aysan shaqo bilaabin sababa la xariira ammaanka magaalada oo aan wali saldhiganin.