BBC-da ma loo sheegay?: (Faallo xiiso badan oo laga diyaariyey sanad guuradii 60-aad ee BBC)

 Bbc-da ha loo sheego inaan dhageysaneynay oo ay noo warameysay muddo 60 sanno. haddana aan dooneyno inaan u waranno oo ay na dhageysato. Markii hore waxa aanu dhageysan jirnay iyada aanay shuruud ku xirneyn waxa ay noo soo dayso. Laakiin maanta waxa aan dooneynnaa in aan dhageysano wixii aan dalbanay oo ay noo soo daysay. BBC-da ma loo sheegay in aanay maanta(2017) shalay(1957) ahayn. BBC-da ma loo sheegay in Soomaalida maanta aanay Soomaalidii shalay ahayn. BBC-da ma loo sheegay in wacyiga iyo aragtida dadka maanta aanay ahayn middii shalay. BBC-da ma loo sheegay in shaqada ay hayso ay idaacado kalena oo badan noo hayaan. BBC-da ma loo sheegay in dadka maanta sidii berigii hore aanay war ku nool ahayn, ee ay yihiin dank u nool. BBC-da ma loo sheegay in shalay Soomaalidu way dhisneyde, maanta ay burbursan tahay. Markaana ay habboon tahay in aanay qof buka ula hadlin sidii qof caafimaad qaba.

Haddii aan taariikhda BBC-da dib u milicsano waxaa unugeedii hore la yabyabay sannadkii1922kii. Haseyeeshee qaybta adduunka la hadasha ee (world Service) waxaa hawada la geliyey sannadku markii uu ahaa 1932kii. Idaacadaha adduunyada ee qaaradaha kala duwan ka hadla waxaa lagu sheegaa inay BBC-du tahay midda ugu af dheer. BBC-du waxa ka baxa ilaa 28 luqadood in ka badan. Kuwa afrika waxa ugu caansan afafka Soomaaliga, Sawaaxiliga iyo Hawsaha Nayjeeriya.

Laanta afsoomaaliga ee BBC-da waxa la unkay sannadkii 1957kii. Weriyihii ugu horeeyey ee ka hadla waxa uu ahaa Allaha u naxariistee Xaaji Cabdi Ayuub. Waxa ay BBC-du dhegaha dadka soomaaliyeed maqlayeen in ku dhaw 60 sanno. Berigii hore waxa la oran jirey BBC-du waa idaacad uu gumeysiga Ingiriisku doonayo inuu weli ku sii maamulo dalalkii adduunka ee uu gumeysan jirey, maadaama ay idaacadu fuliso hadafka iyo ujeedada siyaasadda dibedda ee boqortooyada ingiriiska. Haseyeeshee maanta gumeysigu wuu soo dhaafay Idaacad oo inta uu lugahiisa ku yimid ayaa uu dadka si fool ka fool ah ula hadlaa. Dalalkii uu hirarka gaagaaban kula hadli jireyna shir jaraa`id ayuu u qabtaa.

Dadka soomaaliyeed oo ah bulsho hadal(oral society ah) ayaa qarniyo badan ku tiirsanaa wararka la dhageysto iyo kuwa afka la isaga tebiyo. Waxa la rumeysan yahay in ay idacaadda BBC-du waqtiyada qaar dadka soomaalidu u ahayd idaacad muhiim ah oo ay aad u dhageystaan. Aniga oo uu cumrigeygu maanta dadka soomaaliyeed ee nool ay labo jiil qiyaastii iga weyn yihiin waxa aan soo gaaray:

  • Iyada oo marka muusikada caanka ah BBC-du ay ku soo gasho la maqlo, la aamuso oo waxkasta oo la hayo la joojiyo ka dibna dhegta loo raariciyo.
  • In tuulooyinka iyo meelaha qaarkood 10km ku dhawaad ay dadka qaar u lugeeyaan si ay idaacadda BBC-da u soo dhageystaan.
  • In sida ereyga lagu murmo macnahiisa qaamuuska loogu kala baxo, ay BBC-du ahayd midda warka lagu doodo laga hubsan jirey in iyadu ay sheegtay iyo in kale
  • Iyada oo saacadaha iyo ballamaha lagu buuxsado xilliga ay Idaacadda BBC-da soo gasho. Sida ay dadku ugu xiran yihiin darteed.
  • Iyada oo marka ay soo gasho meesha ay ka shidan tahay ay dadka u tubtaan sidii oo aad moodo in meesha ciyaar dhaqameed lagu dheelayo.
  • Iyada oo Idaacadda BBC_du ay todobaadkii hal mar ka hadasho wararka afrika oo la ururiyey. Iyada oo laga yaabi jirey in soomaaliya oo dhan uu qodob keliya kaga jiri jirey. Waxaana la oran jirey waxaa barnaamijkaa ama warkaa lagu sheegay Barnaamijka BBC_da ee todobaadka iyo afrika ee badanaa maalinta arbacada ah bixi jirey. Maalmaha kale ee todobaadkana waxa ay ka hadli jirtay dunida kale.

Haddaba dad badan oo soomaaliyeed oo laanta afsoomaaliga ee BBC-da ku xiran oo dhageysta waxa ay rumeysan yihiin in ay Idaacadu kolba meel joogtay heerka dhageystayaasheeda. Sannadihii u dhaxeeyey1988kii ilaa 1999 inay ahayd xilligii ay ugu dhageysiga badneyd. Wixii xilligaa ka dambeeyey waxa

ay bilowday in ay Idaacadu lumiso dhageystayaal badan, ilaa maanta haddii aad toban qof oo Muqdisho, Hargeysa, Baydhaba, Kismaayo ama Garoowe jooga aad weydiiso waxa ay maanta BBC-du sheegtay in ay kuugu jaawabayaan in aanay qaarkood todobaadyo ama bilo dhageysan. Iyaga oo kuu sheegaya in aanay jirin wax dan ah oo uga xiran dhageysiga idaacadaha dibedda sida BBC-da.

Haddaba, mar aan safar ku marayey meelo dalka gudahiisa ka mid ah xog aan si aan ku talo gal ahayn ku helay ayaa waxa aan ogaaday in ay sababta idaacadda BBC-da dhageysigeeda hoos u dhigtay ay tahay:

  1. Iyada oo ay bateen Idaacadihii gudaha oo ka heli og xogta degdega ah iyo warka xaqiiqda ah oo faahfaahsan.
  2. Iyada oo ay bateen telefishinada ku hadla afka soomaaliga oo sida raadiyayaasha loo heli karo. Kuwaas oo dhacdadii oo muuqaal ah kuu soo gudbinaya. Haddii soomaalida la oran jirey waa “dad hadal oo waxba ma akhriyaan, maanta waxa ay isu beddeleen dadka akhris iyo daawasho.
  3. Iyada oo ay kordheen baraha isgaarsiinta bulshada (social Media) oo ay ka mid yihii website-yada, Face-book-ga, twiterka, IMO iyo Whatsapp IWM. Kuwaas oo qofka ku taxan uu ka heli karo wararkii ugu dambeeyey iyo weliba macluumaad dheeri ah oo arrimaha bulshada ah.
  4. Dadkii idaacadda BBC_da dhageysigeeda aaminsanaa ee ku taxnaa oo u badnaa dadka waaweyn, kuwaas oo qaarkoodna ay dhinteen, qaar kale ay gaboobeen. Dhalinyarada hadda soo baxdayna ay waqti kugu qaadaneyso in aad ka dhaadhiciso in ay BBC-da dhageysigeeda uu muhiim yahay.
  5. Waxa kale oo dadka qaar ku doodaan in ay hoos u dhacday taariikh ahaan tayada weriyayaasha idaacaddahaas ka hadla. Arrintuna ay noqotay “meeshii aar ka kacay Atoor farfariisay.” Waayo BBC-da warka ka sokow soomaalida waxay ka eegaan, Af fasiix ah, Dhaqan turxaan la’ iyo Aqoonta guud ee dalka.
  6. Waxa kale oo ah fikrad aan la inkiri Karin oo dadka qaarkood ee wax falanqeeya ay qabaan in kaalin ay ku leedahay hoos u dhaca dhageystayaasha BBC_da shaqaalaha ay qaataan oo ay debidda ka qaataan. Iyaga oo weriyaha ku xulanaya sida uu afka ingiriiska u yaqaan ee aanay qiimeyn sida uu weriyuhu afkasoomaaliga iyo deegaanada uu la hadlayo u yaqaan. Waayo waxa xulka sameynayaa waa dalalka ay siyaasadoodu metelaan. Si ay u afgartaan qofka ay mushaharka siinayaan. Taas oo weriyayaasha ka dhigta marka loo eego dalka gudihiisa dad wada qalaad oo aan la garaneyn.
  7. Waxa kale oo ay dadka qaar ku doodaan in ay hooseeyaan barnaamijyada laga soo daajo xilligan Idaacadda. Iyaga oo marka aad barbar dhigto baahiyaha dalka ka jira aad is oraneyso loomaba baahna, barnaamijyada qaarkood ee ay soo dayso.
  8. Waxa kale oo sababaha hoos u dhaca ku keenay idaacadda BBC-da lagu sheegaa iyada oo la qabsan la` ama ka meermeeraysa dabeysha kacdoonka islaamiga ah ee ka dhaceysa geeska afrika, gaar ahaan soomaaliya. kuwaas oo aan weriyayaal diimeed ama barnaamijyo kaalintaa ku aadan aanay lahayn.
  9. Waxa kale oo aad dadka qaarkii hadalkooda ka fahmeysaa in Idaacadda BBC-da ay tahay Idaacad Shisheeye, oo saldhigeedu yahay dal shisheeye oo fidinaysa aragtiyo shisheeye. Dalka iyo dadkana aanay maslaxo buuran ugu jirin.
  10. Waxa kale oo ay dadka qaarkii qabaan in waxyaabaha dhageysiga idaacaddan hoos u dhigay ay ka mid tahay in uu ku habsaday cudurkii soomaalida maamulkeeda mataanka la ahaa ee Qabyaaladda. Kaas oo meesha uu galo marka dambe liifada u gaabiya oo burburiya.

Aniga oo ay tebin uun iga tahay dareenkaa badan oo ay shacabka soomaaliyeed qabaan. Haddana waxa talo iyo soojeedin iga ah haddii aanay sida ay hadda ku socoto wax ka beddelin inay lumin doonto kaalinta dhageysi ama magac ee ay bulshada dhexdeeda ku leedahay. Weli fursadda ay haysato waa inay tahay Idaacad dalka wada gaarta. Marka arrintaa waxa ay kaga faa`iideysan kartaa inay wax ka beddesho jadwalkeeda barnaamij si ay waqtiga iyo jiilka cusub ula jaan qaaddo. Dhinaca kalena waxa habboon inay abuurto barnaamijyo dhisaya dalka iyo dadka, iyada oo loo dhex marinayo waxa ay dadka yaqaaniin ee ah dhaqankooda iyo diintooda.

W/Q: Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)
Email: abdulkadirnur74@gmail.com
17/07/2017