Beel degta Kismaayo oo diiday in 4.5 lagu qeybiyo maamulka magaalada.

Mid ka mid ah beelaha dega magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo, hab qeybsiga maamulka magaalada oo sida ay sheegtay la doonayo in lagu saleeyo 4.5.

Beesha Cooramle, ayaa kadib shir ay yeelatay Caasimada Online usoo dirtay dhambaal cabasho ah, oo ay ku muujineyso inay kasoo horjeedo qorshe ay sheegtay inay wadaan qaar ka mid ah xidlhibaanada kasoo jeedo gobolka ee ku jira baarlamanka Somalia, oo ah in 4.5 lagu wadaago maamulka magaalada.

Si kastaba Caasimada Online weli ma aysan maqal mana heyso wax war ah oo ku saabsan in maamul 4.5 ku dhisan loo sameynayo magaalada Kismaayo.

Hase yeeshee beesha Cooramle, ayaa ku warrantay in qorshaha ceynkaasi ay ayada ka war heyso, maadaama ay siyaasadda gobolka aad ula socoto.

Sababaha ay ku diiday nidaamka 4.5 ayay ku sheegtay in xittaa iminka aysan wax xubin ah ku lahayn dowladda iyo Baarlamanka Somalia, oo lagu qeybiyay 4.5, sidaa darteedna aysan mar kale nidaamkaas ka sugeynin wax caddaalad ah.

Waxa ay ugu dambeyn ku baaqday in dhammaan beelaha wada dega gobolka ay isugu yimaadaan kullan ay si gaar ah uga wada hadlayaan sidii maamul lagu mideysan yahay loogu sameyn lahaa magaalada iyo guud ahaan gobolka.