Beel iska diiday inay wax xil ah ka qabato xukuumadda R/W Saacid.

Beesha Karanle ayaa weli saluugsan habkii lagu qeybiyay wasiirada cusub ee Dowladda Somalia, oo aan waxba laga siin, waxaana ay qaaday tallaabo kale oo ay isaga sii fogeeneyso ku lug lahaanshaha xukuumadda cusub.

Beesha ayaa diidan sida aan xog ku helnay inay qaadato wasiir ku xigeen ama wasiiru dowle, ayada oo taa ka door bideysa inaysan wax xil ah ka qaban xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid.

Si kastaba go’aankaas ayaa ah mid weli aysan si rasmi ah isugu raacsaneyn xubanaha beesha, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in xubno ka tirsan ay aqbalaan wasiir ku xigeen muhim ah haddii la siiyo.

Isaga oo arrintaas ka jaan qaadaya ayaa madaxweynaha maamul goboleedka Ceelbuur State Cabdullahi Xuseen Macalin Aasbaro, waxa uu ku baaqay isku duubni beesha dhexdeeda ah.

Aasbaro ayaa sheegay inaysan jirin cid magaca beesha xil ku qaadan karta, ayad aoo xubnaha beesha oo idil aysan isku raacsaneyn.

“Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru dowle, nooma qalmo mana dooneyno” ayuu yiri Aasbaro.

Waxa uu ka digay in xubno beesha ah ay ka tallaabsadaan mowqifka beesha oo ay magac beesha wax ku qataaan, maadaama uu yiri “beesha horey ayaa loo duudsiiyay xaqeedii”, sida uu hadalka u dhigay.