Xog: Beesha caalamka oo oo isku khilaafsan qorshe muran ka abuuri doona Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo muujinaaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay isku khilaafsan yihiin qorsho lid ku ah Guddiga doorashooyinka ee heer Federaal.

Qorshaha ayaa la sheegay inuu yahay isbedel lagu sameeyo xubnaha Guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, sidoo kalane la bedelo Guddoomiyaha Guddiga, waxaana arrinkaasi uu noqday mid ay isku khilaafen Wakiilada Beesha Caalamka.

Wakiiladu waxay sheegen in Doorashada Somalia aysan ka dhamaan doonin is qabqabsi iyo Dib u dhac joogta ah si taa looga gudbana loo baahan yahay isbedel degdeg ah.

Wakiilada matala dowladaha Britain, Talyaaniga, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, ayaa soo jeediyay in Guddiga doorashooyinka isku shaandheyn lagu sameeyo si looga badbaado dib u dhacyada joogtada ah.

Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Sweden, iyo Maraykanka ayaa ka hor imaaday in faragalin lagu sameeyo hanaanka uu u dhisan yahay Guddiga.

Wakiiladu waxa ay badi diideen faragalinta lagu hayo Guddiga, waxaana soo baxeysa in Guddiga si ula kac ah uu u dib dhigaayo doorashada Madaxweynaha.

Dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa in laga faramaroojinaayo howlaha la xiriira doorashooyinka, waxaana ugu wacan ka adkaan la’aanta Jadwalk

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com