BEESHA caalamka oo wadda olole ka dhan ah XASAN Sheekh iyo qorshe uu damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey u qaablisan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa olole balaaran ugu jira sidii dowladda Federaalka ee hadda jirta waqtigeeda loogu ekeyn lahaa isla markaana looga hortegi lahaa isku day kasta oo madaxda dowlada ku doonayeen inay waqtiga ku kororsadaan, iyadoo ay muuqato in xiligii loogu talogalay aanay ku dhici karin doorasho sida loo qorsheeyay hiigsiga cusub 2016.

Mr. Kay ayaa dowladda Soomaaliya ku cadaadinaya inay ka soo baxdo waajibaadka ka saaran inay dalka gaarsiiso doorasho sanadka 2016-ka, dalkana ka hirgeliso maamulo federaalka ah iyo dowlad ay xilka ku wareejiyaan. Kulamadii ugu danbeeyay ee Nicholas Kay ayaa lagu soo gabagabeeyay kulan xasaasi ah oo uu la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) isagoo kala hadlay isla arrinta hiigsiga cusub iyo inaysan beesha caalamku ogolaaan doonin waqti kororsi loo sameeyo dowladda hadda jirta.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray wakiilka Qaramada Midoobey u qaablisan Soomaaliya Nicholas Kay waxaa mar kale lagu xaqiijiyay inaysan jiri doonin xilli kororsi ay sameystaan madaxda dowladda Soomaaliya marka uu xilligooda dhammaado, wuxuuna rajo mugdi ku jiro ka muujiyay in sannadka 2016-ka doorashooyin ka dhacaan Soomaaliya.

Wuxuu si cad ugu sheegay warsaxaafadeedkiisa in wixii ka dambeeya Ogoosto 2016-ka oo ku beegan dhammanshaha xilliga Baarlamaanka hadda jira, aanay Beesha Caalamka aqbali doonin in muddo kororsi ay sameystaan madaxda Soomaaliya oo ay xildhibaanada Baarlamaanku ku jiraan. Laakiin waxaa is weydiin leh digniinta ka timid wakiilka Q/Midoobay iyo xilliga ay ku soo beegantay?.

Waxaa muuqda inaysan suuragal ahayn doorasho ka dhacda Koofurta Soomaaliya 2016, sidoo kale waxaa soo baxeysa inaysan jiri doonin xil kororsi loogu daro xitaa baarlamaanka hadda jirta waqti kale, waxaa kaloo soo if baxeysa in la raadinayo qaab looga gudbo hiigsiga cusub oo aan ahayn waqti kororsi iyo doorasho, waana sababta Wakiilka Q/Midoobay diiradda u saarayo Baarlamaanka oo ah awoodda saldhigga u ah dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqti kororsi inuu ku fekerayo laga dareemay, waxaa rajadiisa mugdi geliyay go’aanka beesha caalamka ee soo hordhacay iyo digniinta Nicholas Kay oo sanad ka hor xilligaasi la shaaciyay, lamana oga sida uu uga baxsan doono xaaladaha adag ee ku wareegsan ooa halis ku noqoneysa damaciisii ahaa inuu dib ugu soo laabto hogaanka dalka.

Waxa kaliya ee dowladda Federaalka isku haleyn karo ama sameyn karto inta waqtigeeda ka haray waa in la dhameystiro dhismaha maamul goboleedyada kumeelgaarka ah oo laf ahaantooda aan dhibaato yareyn, inta badan maamuladaasi waxay u gacan galeen hogaamiyeyaal damacyo siyaasadeed leh oo kala duwan, mana muuqato inay noqon karaan maamulo dadka ku nool codka siinaya, waxayna halis ku yihiin maamulada la dhisay iyo kuwa dhismahoodu socdo nidaamkii doorashada iyo kii federaalka ee la doonayay in dalka la gaarsiiyo.

Waxaa dhinacyada arrintani ay quseyso laga doonayaa inay isla gartaan qaabka iyo nooca ay noqon doonto dowladda sanad kadib ay yeelan doonto Soomaaliya oo laga yaabo inuusan jirin dhinac fikrad ka heysta ama qorshe uga yaalo arrintaasi, waxayna ahayd hal-xiraale kale inay soo baxdo diido kororsi iyadoo wixii lagu bedeli lahaa aan meel lagu sheegi karin. Laakiin beesha caalamku waxaa ka go’an in Xasan Sheekh aanu madaxweyne sii ahaan kadib September 2016.

Isha: Goobjooge