Beesha caalamka oo war kasoo saartay HESHIISKA Farmaajo iyo Kenyatta

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey qodobadii ay isku raaceen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, 14-kii November.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal, la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas.

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa heshiiska labada dhinac ku qeexay “talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka deris wanaagga labada dal.”

“Waxaan bogaadineynaa dadaalka shakhsi ee ay sameeyeen labada madaxweynaha  si ay u hormariyaan xiriirka Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan qiimeyneynaa faa’iida labada dhinac ah ee Soomaaliya ugu jirta xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska la ah, taasi oo gacan ka gaysaneysa baraaraha dadkeeda, islamarkaana saameyn wanaagsan ku leh amniga iyo horumarkii guud ee Geeska Afrika.”

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa sheegay inay hadda sugayaan in la fuliyo tallaabooyinkii ay isku raaceen labada madaxweyne, si sare loogu qaado xiriirka Kenya iyo Somalia.

Xubnaha sida wadajirka ah usoo saaray qoraalkan ayaa kala ah: AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, UNSOM, iyo Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com