Beesha Eeyle Oo Cambaareysay Doorasho Musuqmaasuq Ah Oo Ka Dhacday Baydhabo

Baydhabo (Caasimadda Online) – Odayaal, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Eeyle ayaa waxay si kulul uga hadleen doorasho ay ku tilmaameen mid xambaarsaneyd musuqmaasuq aan lala gamban oo dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee caasimadda gobolka Baay.

Odayaasha ayaa waxay daaha ka qaadeen in si xun loola dhaqmay mid ka mid ah xubnihii ay usoo sharraxeen inuu u tartamo Kursiga Beesha Eeyle, kaasoo lagu magacaabo Axmed Maxamed Xuseen (Eenoow).

Mudane Axmed Eenoow ayaa waxaa laga reebay tartankii uu u geli lahaa kursiga Beeshiisa Eeyle inkastoo uu buuxiyey shuruudihii laga rabay, hadana waxaa ku gacan seyray Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sababta ayaa waxaa la ogaaday inuu ka dambeeyey Xildhibaanka la doortay ee Caloow Eeyloow, kaasoo ka cabsi qabay inuu aqoonyahan Axmed Maxamed Xuseen kaga guuleysto tartanka kursiga Beeshiisa Eeyle, waxaana xusid mudan inay labadoodu isku heyb yihiin.

Caloow Eeyloow ayaa daaha laga qaaday inuu Axmed Maxamed Xuseen ku dalbaday Ugaas Warsame oo ah ugaaska Beeshiisa Eeyle, kaasoo adeer u ah Caloow Eeyloowga la doortay.

Waxaana xusid mudan inuu ku qanciyey ugaaska in uusanba Axmed Maxamed Xuseen heyb ahaan aheyn Beeshiisa Eeyle si uusan ula tartamin. Ugaaska ayaana aqbalay arrinkaas, taasoo ay odayaasha, nabadoonnada iyo siyaasiyiintuba ku tilmaameen eex aan daah saarneyn.

Ugu dambeyntii, Beesha Eeyle ayaa hal kursi ku laheyd Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kursigaas si awood ah ku qaatay Caloow Eeyloow.

Hadaba Sagaal Nabadood Oo Ka Mid Ah Beesha Eeyle Ayaa Waxay Soo Saareen Warmurtiyeedkaan Ka Kooban Lixda Qodob Kaasoo Aad Ka Akhirisan Karto Lifaaqo Hoose.

Riix Halkaan War Saxaafadeedka

Riix Halkaan War Saxaafadeedka