Beesha Murusade: Ciise Jiijiile kaligiis lama aasi doono, waa ballan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilka taliye ku xigeenkii hore ee nabad-sugidda gobolka Banaadir Ciise Jiijiile oo shalay ku dhintay iska horimaad dhex maray ciidamada dowladda.

Beesha Murusade oo uu Ciise Jiijile ka dhashay ayaa wacad ku martay inaan la duugi doonin inta laga dilayo taliye Xasan Aadan Xasan Jiis, oo ah ninka hogaaminayey ciidamadii dilay Ciise Jiijiile, haddana ay gacanta ku hayso dowladda.

Beesha ayaa ku doodeysa in loo dilo ninkaas, oo caddaaladda la marsiiyo, si isaga iyo Ciise Jiijiile loo wada duugo hal mar.

“Ciise waxaa lagu dilay gardarro, lamana duugi doono kaligiis waa nagu ballan” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah odayaasha beesha oo si gaar ah ula hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la shaacin magaciisa, wuxuuna sheegay in meydka Ciise weli uu ku jiro qaboojiye.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shilkan uu ku dhacay isfaham waa, islamarkaana baaritaan uu ku socdo.

Dhinaca kale, Shacabka beesha Murusade, oo ka careysan dilkii shalay loo geestay Taliye Ku Xigeenkii hore ee NISA u qaabilsanaa Gobalka Banaadir Ciise Jiijiile ayaa dibadbax ka dhagay Wadada Maka Al-mukarama ilaa tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com