Benitez: Mucjiso uma baahni si ay Chelsea ugu soo baxdo UCL.

Tababaraha KMG ah ee Chelsea Rafael Benitez ayaan aaminsaneyn inuu u baahan yahay mucjiso kale si ay kooxdiisa Blues ugu soo baxdo Champions League.

Kooxda Stamford Bridge ayaa Arbacada [Maanta] kulankoodii ugu dambeeyey ee Group-ka u baahan inay garaacdo Nordsjaelland, halka ay Shakhtar Donetsk ka rajeynayaan inay natiijo la mid ah ka garaan kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Benitez ayaana sheegay inuusan mar kale u baahneyn ‘Mucjisadii Istanbul’ oo kale taasoo ay kasoo wareegtay todobo sano iyo bar markaasoo ay Liverpool sameysay soo kabsashadii ugu weyneyd ee abil ka dhacda Final koobka kooxaha Yurub, markaasoo ay garaaceen AC Milan.

Benitez ayaa yiri: “Ma u maleynaayo inay mucjiso noqoneyso.

“Waxaan sameyneynaa shaqadeena waxaana u sugeynaa kooxaha kale.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada Mogadishu