Beyle oo dagaal culus kula jira maamulka Banaadir iyo 2 shir oo uu ka hor istaagay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sidda ay ilo xogogaal ah sheegayaan wasiirka maaliyadda Somalia mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dagaal jihooyin badan leh kula jira maamulka gobalka Banaadir ,ilaa hadda waxaa muuqata dhowr tilaabo oo wasiir Beyle kaga hor yimid maamulka gobalka Banaadir kuwaas oo muhiim u ahaa shacabka caasimadda kunool.

Waxaa jirta dood ku aadan sidda wasaaradaha muhiimka ah loogu aamini karo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobaladda waqooyi (Somaliland) madaama loo arko dad usoo shaqo tagay Muqdisho, si walbaba waa dhacday inuu Beyle maamulo wasaaradda maaliyadda oo qasnadeeda aaney kuso dhicin $1 oo ka timid waqooyiga Somalia.

Beyle ayaa dhowaan hor istaagay in gobalka Banaadir uu ka qeyb galo shirka maamuladda dalka ee looga arisanayay dhaqaalaha kaas oo ka dhacay Muqdisho, lama casuumin Banaadir waxaana ay aheyd arin ay xitaa maamulada kale la yaabeen madaama daqliga Dowladda dhexe 90% laga soo xareeyo gobalka Banaadir.

Waxaa jira warar sheegaya in maamulka gobalka Banaadir uu wasiirka maaliyadda weydiiyay sababta aanu shirkaas ugu casuumin laakiin wuxuu Beyle bixiyay jawaab aan lagu qanci karin oo ah waan idin iloobay, ma dhici kartaa taasi ? jawaabtu waa maya sababtoo ah shirkuba waxaa uu ka dhacay Muqdisho, Banaadir.

Waxaa la yaab kale aheyd markii uu wasiir Beyle diiday inuu ku casuumo gobalka Banaadir shirkii looga hadlaayay wax soo saarka Dekadaha dalka iyo canshuurta ee Garoowe, oo hadii aanan gobalka Banaadir la casuumin maxey tahay Dakadaha laga hadlaayo soo iyagu ma’ahan kuwa leh Dekadda ugu badan ee wax soo saarta iyo gobalka ugu badan ee shacabkiisa canshuur laga qaado, waxaa durbaba kugu soo dhacaya dagaalka uu Beyle kula jiro shacabka Muqdisho.

Waxaa kaloo aan la qarin karin inuu yahay wasiirka qura ee ka hor yimid miisaaniyad kordhin uu dalbaday gobalka Banaadir dhowaan taasoo Ra’iisul wasaraha iyo xubnaha kale ee golaha wasiiraddu ay aad usoo dhoweyeen.

Ilaa hadda lama fahmin waxa  dhabta ah ee wasiir Beyle ka rabo maamulka gobalka Banaadir waxaase jira warar hoose oo sheegaya inuu rabo lacago baad ah si uu ugu fududeeyo howlaha kaga xayiran xafiiskiisa madaama uu sidaan oo kale dhowr jeer ula macaamilay wasaaraddo lacago ka rabay xafiiskiisa kuwaaas oo shaqadda loo fududeeyay markii ay ogoladeen iney qidmad gaar ah siiyaan C/raxmaan Ducaale Beyle, tani waxaa ay ka hor imaaneysaa balan-qaadkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaasare Kheyre ee ahaa iney musuq maasuqa suulin doonaan.

Ficiladaan ayaa kusoo xasuusinaya hadal uu horey u yiri Feysal Cali Waraabe kaas oo ahaa marnaba ha aaminina kuwa reer waqooyiga ah ee idinla jooga sababtoo ah waa idiin soo shaqo tageen waligoodna kuma farxi doonaan hormarkiina.

Maalmaha soo socda ayaan soo bandhigi doonaa ficilo badan oo Beyle uu kula dagaalamay shacabka reer Muqdisho intii uu wasiirka ahaa.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com