Book Fair- kii Muqdisho Dameer Malab Saaran

Qoraa Saaxiibkey ah ayaa Buuggaag uu qorey oo uu geliyey Maskax iyo Maal  weydiiyey in Buugaagtii laga iibsadey Sannadkaan gaar ahaan Book Fair-kii Muqdsho ee Sadexaad  markaas Buu yiri “ Markaan arkey Kumanaanka Kun ee ka soo qayb galey Carwadaas  ayaa Niyada gashadey in  si wanaagsan la iga iibsan doono Buugaagta  hase yeeshee Saaxiib waxaan kuu sheegayaa in Labadii Buug ee aan Meesha geeyey Hal Buug kaliya la iga iibsadey”

Waxaan weydiiyey  Sidee Saaxiib wax u Jiraan? markaas Buu hadana yiri “Meeshii Buugaagta ii tiiley ayaa dad badan ku soo Xoomeen mid waliba inta Kor u qaado ayuu wiil saaxiibkiii oo la socda isku sawiraan ka dibna  Meeshii ay ka qaadeen ayey ku soo celiyaan waxaana kuu sheegeyaa in dadkii faraha badnaa ee Meesha isugu yimid aysan fahamsaneyn Waxa meesha loo yimid.

Waxaan weydiiyey Madax  badan baa ka soo qayb gashey sow iyagana idiin kama iibsan Buugaagtii  waxaana uu yiri “ Madax badan baa ka soo qayb gashey hase yeeshee  waxaan filayaa in Buugaag badan iibsan doonaan waxaa ku sheegayaa in  aysan waxba iibsan waxayn halkaa u yimaadeen in ay na daawadan Dhiiragelintooda wuxuu ahaa afka Baarkii

Bandhigyo badan baa  ka qayb gashey iyagana ma jiraan kala duwanaansho waxaana uu yiri “Haa waxaan kuu sheegayaa dadka Koonfurata iyo Bartamaha  ku nool waxay u baahan yihiin wacyigelin ku saabsan waxa la yiraahdo bandhig in loo yimaado oo keliya in wax la iibsado marka Xaqiiqdii Soomaaliland  Qorayashooda Buugaag  badan bay qoraan  bandhigoodana dadka ka soo qayb gala aad bay wax u iibsadaan waxaa uu intaas ku darey Qoraaga.

“Madaxda  iyo Shirkadaha Soomaaliland  Dhiiragelin bay u sameeyaan Qorayaashooda Xitaa  qofka aan wax Daabacan Karin waxaa lagu Kaalmeeyaa  Kharasha ku baxaya Daabacaada Sannadkii hore Madaxdii ka soo qayb gashey  Bandhigii Labaad Muqdisho  waxay Qorayashu  Codsadeen  in ay dhamaan iibsadaan buugaagtii halkaa lagu soo bandhigey hase yeeshee Codsigaas  Cid Dheg jalaq u siisey ma leh waxaana dhacdey in Qorayaashii iyagoo Niyad jabsan  oo Buugaagtii ku baartey ka soo dhaqaaqaan Sannadkaana waa  uu la mid ahaa

Isku soo duuboo Bandhigii 3aad Buugaagta ee Muqdisho Book Fair ee Sannadkaan waxaa ku tilmaami karaa Dameer Malab saaran ama Dameer Cilmi Xambaarsan  sidaa darteed Muqdisho oo  ay ku nool yihgiin Sadex Milyan oo qof  in maanta ay dhiiragelin waayeen Qorayaashooda waa nasiibdaro Inkastoo aanan Sannadkaan tagin Bandhigaas hadann waxa la ii sheegey in Qorayaashii halkaas Biuugaagta faraha badan geeyey ay waayeen kharashkii ay mar kale ku xamaali lahaayeen Buugaagtooda waana ayaandaro Waxaas oo cilmi ah ee halkaas lagu soo bandhigey laga faaiideysan waayo marka waxaan leeyahay Shacabka iyo Madaxda in  mar waliba Dhiirageliyaan Qorayaashoda si aysan u niyad jabin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494