Booliska UK oo xogtii ugu horeysay ka bixiyey ninkii fuliyey weerarka London

London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa sheegay in weerarkii Arbacada ka dhacay buundada Westminster iyo bannaanka hore ee baarlamaanka dalkaasi ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in ay garanayaan huwiyadda qofka weerrarka gaystay.

Shan qof ayaa dhimatay ugu yaraan 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qofkaasi weerarka soo qaaday uu gaari marsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda, iyo markii dambana uu toorey askari boolis ah ka hor inta aanan la toogan.

Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabay Keith Palmer, oo 48 jir xaasle aabe ah.

Ra’iisul Wasaare Theresa May ayaa sheegtay in weerrarku uu ahaa mid shaydaannimo ah oo lagu qaaday xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Qofka weerrarka gaystay ayuusan boolisku weli magacaabin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com