Boorsaani oo gacmaha la galay howl uu xilkiisa ku waayay Muungaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilaabay qaadista dhagxaanta lagu xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka ayaa qaadista dhagxaanta ka bilaabay Isgooyska Lambar afar iyo Isgooysyo kale oo ku dhow dhow, waxaana goobahaasi lagu daadiyay Ciidamo farabadan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Jimcaale (Boorsaani), ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin waddooyinka lagu jaray dhagxaanta.

Boorsaani waxa uu sheegay in inta badan waddooyinka magaalada lagu jaray dhagxaan waaweyn waxa uuna tilmaamay in magaalada Muqdisho ay tahay mid amaan ah isla markaana uusan garankarin sababta dhagxaanta loogu xiray waddooyin

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab ayaa horay xilkiisa ugu waayay qaadista dhagxaanta lagu jaray waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadada gasha Garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com