Hawada Somalia: Tirada diyaaradaha isticmaala, dhaqaalaha kasoo baxa iyo beenta naloo sheego

Sida aan ogsoonahey, warar ay masuuliyiin UN-ta ah sheegaan inta badan ayaa waxa ay ku yiraahdaan hawada Soomaaliya waxaa maalinkii dulmara ama isticmaasha diyaarada gaadhaya 80, hadaba akhristow, tiradaasi waa tiro marin habaabin ah oo la doonayo in lagu qariyo dhaqaalaha saxda ah ee ka soo xarooda hawada duulista Soomaaliya.

Hal arrin ayaa tiradaasi UN-ta burineysa ee lagu maaweeliyo masuuliyiinta Soomaaliya iyadoon wali cadeymo kale la adeegsanin:

  • Garoonnka Aaden Cadde International ee Xamar waxaa maalinkii ku soo daga diyaarada gaadhaya 78 dayuuradood, waa hadal ay wararka ka sii daayeen masuuliyiinta garoonka Xamar sanadka markuu ahaa 2013.

Hadaba, wadanka intiisa kale imisa diyaaradood ayaa ku soo daga, ogsoonoow, wali waxeynu ka hadleynaa diyaaradaha soo daga oo kaliya ee kama hadleyno kuwa dul mara Soomaaliya ee qaaradaha kale u kala goosha.

Hadeynu dib u milicsano diyaaradaha ku soo daga garoonka Cigaal ee Hargeysa waxaa qiyaastii maalinkii soo dagta 39 diyaaradood, weyna ka badantahey tiradan. Labada tusaale ee Xamar iyo Hargeysa ayaa naga kaafinaya iney burburiyaan hadalkii UN-ta ee ahaa 80 diyaaradood ayaa Soomaaliya hawadeeda isticmaasha, wadanka intiisa kale cadadka diyaaradeed ee ku soo daga waa ay fara badanyihiin.

Aanu u soo jaleecno tirada diyaaradaha ee isticmaasha hawada Soomaaliya, waxaan u kala qaadeenaa laba:

  1. Tirada diyaaradeed ee soo caga dhigta Soomalaiya (commercial terminal)
  2. Tirada diyaaradeed ee dul mara hawada Soomaaliya (fly-over)

Tan koobaad, diyaaradaha soo caga dhigta garoomada Soomaaliya oo dhan ku yaala waa tiro cadadkeedu yahey 182 diyaaradood.

Tan labaad, diyaaradaha dul mara hawada Soomaaliya, feejignoow, hawada Soomaaliya marka laga hadlayo kaliya ma ahan in laga wado dhulka barriga ah ee Soomaaliya, ee hadalku waxaa weeyaan wixii dul mara badda Soomaaliya, waana hawada Soomaaliya aan ku oolin dhulka (controlled airspace of Somalia), masuuliyiinta Soomaaliya waligood ma aysan soo hadal qaadin hawada badeed ee Soomaaliya leedahay!

Marka tira ahaan, diyaaradahaasi isticmaala hawada Soomaaliya ama dhul ama bad ha dul maraanee, tiradoodu waa 423 diyaaradood.

Sidee baa kharashka looga qaadaa, waa qaab noocee ah, qaabku waa qaabka ay wada isticmaalaan caalamka, qodobkan ayaana muhiim u ah:

  • In lacag qaadistu ay ku xirantahey inta daqiiqadood ama saacadood ay diyaaradu isticmaaleyso hawada ama ay ku dhax jirto hawada dalka barri ha ahaato ama bad ha ahaato

Wali waxeynu ka hadleenaa isticmaalka hawada ee kharashka diyaaradaha soo caga dhigto looga qaado qormadan ma ahan.

Aan ku soo laabano tirada guud ee isticmaasha hawada Soomaaliya:

182+423 = 605 diyaaradood ayaa isticmaasha hawada Soomaaliya bad iyo barriba marka la isku daro, kuwa dul mara iyo kuwa caga dhigta oo iyagu isticmaaley hawada, waa isku dar tiradaasi.

Tirada Lacageed ee intaasu dhantahey waa sidatan, ogsoonoow, masuuliyiinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in diyaarad kasta oo isticmaasha hawada Soomaaliya, waa barriga oo kaliya, laga qaado lacag $275, waa hadalka ay yiraahdeen iyagoon aqoon iyo khabiirnimo u laheyn in kharash qaadistu ay tahey mid ku dajisan daqiiqad iyo saacad kasta oo ay diyaaradu hawa Soomaaliyeed isticmaaleyso, kaba dhig tan daqiqad isticmaasho iyo tan saacad isticmaashaba in laga qaado $275 dollars halkii mar ay foodaba la gasho hawa Soomaaliyeed.

  1. 605 X $275 = $166,375 waa tirada dakhliga ee maalin walba ka soo xarooda hawada Soomaaliya bad iyo barriba, 605 waa diyaaradaha isticmaalaha hawada Soomaaliya bad iyo barriba
  1. 82 X $275 = $22,550  waa tirada dakhliga ee maalin walba ka soo xarooda hawada dhuleed ee Soomaaliya, waana tirada ay UN-ta ku maaweeliso masuuliyiinta Soomaaliya, waa tiro waxba kama jiraan ah, waa tiro marin habaabin ah, waa tiro dhac iyo khiyaano ku jirta

Tan hore, bishii waxa ay noqoneysaa tiradaasi sidan: $166,375 X 30 = $4,991250 waa shan malyan ku dhawaad bishii, sanadkiina waa $4,991250 X 12 = $59,895,000 waa 60 malyan ku dhawaad sanadkii.

Tan labaad ee tirada ay UN-ta ku maaweeliso masuuliyiinta Soomaaliya bishii waa: $22,550 X 30 = $67,6500, sanadkiina waa $67,6500 X 12 =$8,118,000 waa siddeed malyan.

Tirada UN-ta ay sheegto waa mid aan wada ogsoonahey, mana dhaafto mar walba 5 malyan, 6 malyan iyo 8 malyan, waa sida ay wararka ka sheegaan mar walba shantii sano ee la soo dhaafey.

Akhristoow, iyo qof kastoo jecel in hantida Soomaaliyeed ay Soomaaliya iyo dadkeedu leeyihiin, waxaa nala gudboon in aan ka hortagno dhaca lagu hayo hantida Soomaaliyeed dhul iyo cirba, waana masuuliyad na saaran, waana ayaan darro in wasiir Soomaaliyeed uu yiraahdo maanta ma heesano khabiiro hagi kara hawada Soomaaliyeed, shakhsi ahaan, tirada ardey een aqaano ee cilmiga aviationka bartey ama baranaya waxa ay kor u dhaafayaan 50 qof, xafiiska Nairobi ee laga maamula hawada Soomaaliya waxaa ka shaqeeya 5 qof oo ajnabi ah, iyo hal qof oo Soomaaliya ah, waana odey 60 jir ah, waana waardiye irridka hore fadhiya.

WQ: Abdirsaaq Macalin

abdipilot@gmail.com