Boqorka Sacuudiga oo dhambaal qaldan oo yaab leh usoo diray Soomaaliya

Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalkan Sacuudiga, Salmaan Bin C/Casiis ayaa dhambaal qaldan oo yaab leh usoo diray madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo uu ugu hambalyeeyey maalinta 21-ka October

Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan  Bin C/casiis waxa uu isagana Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey waxa uu ugu yeeray Munaasabadda Maalinta Qaranimadda Somalia.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay Dhambaallada ay Madaxda dalkaasi u soo direeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna Boqorka iyo Wiilkiisa  u rajeeyeen Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed inay ku waaraan horumar iyo Barwaaqo.

Sanad kasta Sacuudiga ayaa dhambaal noocan usoo dira Soomaaliya, ayaga oo sidoo kale soo dirayey intii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana muuqata inuu yahay dhambaal qaldan.

Lama yaqaan, haddii tani ay ugu wacan tahay in Sacuudiga aysan kala aqoon maalmaha qaran ee Soomaaliya iyo in tani tahay arrin ku talo-gal ah, oo qorshe kale laga leeyahay.

Marxuum Jeneral Maxamed Siyaad Barre ayaana hoggaminayey kacaankii 21 October, wuxuuna talada dalka majaraha u hayey tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii 1991-kii. Maalinka 21-ka October ayaa Soomaali badan u aragtaa maalin madow oo taariikhda ka mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com