Britain oo soo bandhigtay magaca ruuxii ka danbeeyay weerarka baarlamanka

London (Caasimada Online) – Booliska dalka Britain ayaa wali ku guda jira baaritaanka weerarkii lagu qaaday baarlamaanka dalkaasi oo ku yaal bartamaha magaalada London.

Booliska ayaa baaritaankii labadaa kusoo bandhigay magaca shaqsigii ka danbeeyay weerarka oo magaciisa lagu sheegay Khalid Masood.

Booliska ayaa sheegay in Khalid Masood uu yahay 52 jir isla markaana dhashay 25/12/1964, waxaana uu ku dhashay magaalada Kent.

Booliska ayaa sheegay in Khalid Masood uu waayadii u dambeysay degganaa West Midlands.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Khalid Masood uu fal-danbiyeedkii ugu horeeyay galay bishii November ee sanadka 1983.

Sidoo kale, Booliska gacanta ku haya baaritaanka ayaa sheegay in Khalid Masood sanadii 2003 lagu qabtay mindiyo uu u adeegsan lahaa weerar la fashiliyay.

Baaritaanka ayaa lagu sheegay in Khalid Masood uusan horay ugu raad laheyn wax fal argagixiso ah, markii laga soo tago weerarkii shalay ka dhacay afafka hore ee Xarunta Baarlamaanka.

Dhanka kale warbaahinta ugu afka dheer ee dalka Britain oo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa saaka baahiyay in weerarkaasi uu ku lug lahaa wadaadka lagu magacaabo Abu Izzadeen.

Abu Izzadeen, ayaa noqonaaya shaqsigii ugu horeeyay ee dusha laga saaray Tuhunka weerarkii ka dhacay afafka hore ee baarlamaanka Britain.

Booliska ayaa Wadaadkaasi ku khalday shaqsiga weerarka fuliyay ee lagu magacaabo Khalid Masood, kadib markii ay iska shabaheen muuqaalka iyo Garka oo ay u jartaan si isku mid ah.

Wadaadka ay Booliska ku khaldameen Sheekh Abu Izzadeen