CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA (2)

Halkan ka aqri Caafimaadka Xubnaha Taranka Ragga

Xubnaha taranka dumarku waxay u baahan yihiin in loo daryeelo si ka daran kana feejigan kuwa ragga sababta oo ah. Xubnohooda taranka waxaa ku hoos jira qanjirro soo daaya dhidid iyo dheecaanno keena ur laga dido. Qolfada kintirku sida tan geedka ninka aan la gudin oo kale ayay usoo deeysaa dareere si dhaqsa ah isu beddela, si aad ahna usoo ura, kaasi oo loo yaqaan (baaro = dooro) Cambarku waxa uu soo daayaa dareere aysiidh ah oo hadduu xaddigiisa dhaafo jirka iyo dharkaba halleeya. Afka daloolka kaadidu waxa uu ku yaal meel dedan, taasi oo keenta in dhibco kaadi ahi ay ku hooraan cambarka, keenaanna inuu uro.

Cambarku waxa uu xiriir la leeyahay micnaha quruxda, ninkuna kolka ay haweeneydiisu isu dhiibto oo ay hor dhigto, waxa uu cambarka u eegaa sidii isaga oo hor fadhiya shey xurmo mudan. Lama xisaabi karo inta dumar daqiiqaddaasi ku waayey jacaylkii gacalkoodu u qabay, sababta oo ah “Albaabkii Jannada” ee uu wax badan dhawrayey baa kolkuu kala furay qurmoon aanu filayni kaga soo baxay.

Hooyada waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay hubinta nadaafadda xubnaha taranka inanteeda yar kahor intaanay qaan-gaarin iyo kadib intaba. Kolka ay gabadhu qabto cudurro sida jabtada oo kale ah, waa in si dhaqsi ah loo daaweeyaa. Gef weyn bay ku tahay ehelka inaanay xil iska saarin daryeelka xubnaha inantooda iyaga oo ka baqaya inay ka xumaato amaba ay ku kacsato taataabashada goobahaasi, natiijaduna waxay markaasi noqonaysaa siday qiyaasayeen si ka duwan, maadaama dareeraha ka yimaada cambarka ee ay daryeel la’aani keento ama cudur sida jabtada oo kale ahi uu keenaa yahay kan isagu kiciya dareenkeeda jinsiyeed kuna dhaliya kacsi iyo gariir joogta ah.

Hooyada waxa la gudboon inay inanteeda ku baraarujiso sidii ay nadaafadda ugu dadaali lahayd gaar ahaan xilliga caadada, fahamsiisana in mustaqbalka haweeneydu uu ku xiran yahay nadaafadda jirkeeda, haddii ay ku dadaashana aanay farxad gelineyn nafteeda iyo dadka la nool oo qura, balse ay damaanad qaadayso mustaqbalkeeda, fahmeysana ugu dambeynta in maalinta ay adduunka ugu farxadda badan tahay ay tahay maalinta ay xabadka u furto gacalkeeda, una soo bandhigto jir qurux, udug iyo soo jiidasho badan, qiimayn iyo qaddarinna mudan.

War nin yahaw heedhe intaas oo sanadood baad Yurub, Carab iyo meel walba mareeysaye maxaad mid waloo cad u guursan weyday, waa adigaan Soomaaliya iyo carri aad waa hore ka dhooftay guur usoo doontaye? Saaxiibow waa runtaayoo waan soo arkay dumar badan oo cadcad, welibana quruxdooda haddaad indhaha saartid aad halkaaga iskula shubeysid, guurna igu baryayey, ha yeeshee naagihii Soomaalida ka sokow afkii, dhaqankii, diintii iyo dhiiggii oo aynu wadaagno, waxa aan marnaba lagu gaareynin tii nadaafad ahayd.

Waa sheeko dhab ah oon dhif iyo mar la’arag ahayn, aniguna shakhsi ahaanteyda waxaan sheekadaasi mid la mid ah ka maqlay nin ajnabi ah oo gabar Soomaaliyeed qaba. Arrinkaasi runtii waa mid ay haweenka Soomaalidu ku ammaanan yihiin, annaguna haddaynu raggii nahay ku faani karno.

Haweeneydu waa inay xubnaheeda taranka mayrto maalintii ugu yaraan hal jeer, markaasi oo intay kaadi-haysta faaruqiso, ay dabeeto ku mayrto biyo kulul iyada oo isticmaaleysa gabal saabuun ah oo loogu talagalay. Dabeeto waa inay xubnahaasi ku qallajisaa shukumaan ama gabal mara ah oo u gaar ah, isticmaashaana boolbire. Waxaana intaa dabadeed haboon inay goobtaasi ku carfiso (Deodorant) oo ah barafuun udgoon isla markaasina shiir bi’iye ah.

Fiiro gaar ah: Haweenka Soomaalida qaar baa aad nadiif u ah kolkay arrintu jirkooda joogto, ha yeeshee aan xil sidaasi ah iska saarin nadaafadda guriga ay ku noolyihiin iyo tan jikada ay wax ku kariyaan intaba. Jikadu gaar ahaan, waxa weeye halka ugu muhiimsan ee dumarka ajnabiga ahi ay kaga libin heli karaan dumarka Soomaalida, haddii nadaafad lagu beretamo.

Maacuunta, gidaarrada iyo daaqadaha jikada oo aan sidii loo baahnaa loo nadiifin, daaqadaha qolalka gaar ahaan qolka jiifka iyo kan carruurta oon la nadiifin, si maalinle ahna aan loo furin si hawadu isu beddesho nakhaskuna uga baxo, dharka carruurta oo inta la mayro, dabeeto meel lagu raseeyo iyadoon la kaawiyadeyn iwm., waa sifooyin ay kasiman yihiin guryo badan oo Soomaaliyeed. Dumarka Soomaalidu waa inay haddaba waxyaabahaasi oo dhan u fiiro yeeshaan, waa hadday doonayaan in koobka nadaafadda aanay cidi kula beretamin.

W/D: Sabriye Macallin Muuse