Caasimadda Online oo heshay xog ku aadan haddii Xaaf lagu casuumay shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si rasmi ah uga qeybgeli doono shirka dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ay ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo la filayo inuu dhaco 28ka Oktoobar 2017 ayaa waxaa lagu daray liiska Madaxweynayaasha kasoo qeyb geli doono madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaasoo ay sheegeen 17 Xildhibaan inay xilka ka qaadeen.

Warbaahinta Soomaalida qaarkood iyo shakhsiyaad ayaa baraha Bulshada ku faafiyey inuusan Xaaf ka qeyb geli doonin shirka Madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, isla markaasna uu Madaxweynaha Hirshabelle Waare Galmudug ku matali doono shirkaas.

Haddaba Caasimadda Online ayaa xiriir la sameysay Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna soo ogaatay xaqiiq ku aadan inuu Xaaf ka mid yahay Madaxweynayaasha Casuumaada loo diray isla markaasna uu si rasmi ah uga qeyb geli doono shirka ka dhacayo Muqdisho.

Xogta ay heshay Caasimadda Online ayaa ah mid la isku haleyn karo 100%, wuxuuna gaar Muqdisho soo gaari doonaa Maalmaha soo socdo Inshaa Allah.

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa horey usoo saaray qoraal ku aadan inuu Madaxweynaha Galmudug yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna dowladda dhexe uga digeyn inay faragelin ku sameyso Maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com