Cabasho durba laga keenay xubnaha aqalka sare u matalaya Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa durba soo baxaya cabasho laga muujinayo doorashada xildhibaanada aqalka sare ee matalaya deegaanada Somaliland, kuwaasi oo shalay qaarkood lagu doortay magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah waxgaradka kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa sheegay inay qaadaceen kasii qeyb galka doorashada xildhibaanada aqalka sare matalaya ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ee dalka.

“Sidaas daraadeed ayaan u qaadacnay inaan beel kale kula tartamin kursigii beeshayadu lahayd, isla markaana waxaan cabashadayada u gudbin doono Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Gudoonka Baarlamaanka cusub ee la dooran doono oo aan ka filayno inuu cadaalad kasamayn doono arintaan dulmiga ah”ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen odayaasha beesha Akisho.

Qoraalka ayaa sodoo kale lagu sheegay in beesha caalamka loo gudbiyay dacwo ka dhan ah dadka ka dambeeya wax is daba marinta doorashada.

“Sidoo kale waxaan u gudbinay cabashada beesha caalamka iyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya”.

Dhinaca kale waxaa maanta baaqday doorashada xildhibaanada aqalka sare ee la doonayay in lagu dhameystiraa magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com