Cabdi Iley oo mar kale bidhaamiyay waxa uu mudan yahay Sargaalka ONLF ee Qalbi Dhagax

Jigjiga (Caasimada Online)-Hogaamiyaha is maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar ”Cabdi Iley”, ayaa mar kale sheegay inaanu waxba ka khuseyn arrimaha Somalia.

Hogaamiyaha maamulka dowlad deegaanka ayaa sheegay in Somalia ay kamid ahaan jireen balse iminka ay ka baxeen kadib markii ay meesha ka baxday dowladii rajada laheyd.

Cabdi Maxamuud ”Cabdi Iley”, oo khudbad ka jeedinaayay kulan ka dhacay magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay ku dayato is maamulka Soomaalida Ethiopia oo uu sheegay inay kaga horeyso dhan waliba.

Waxa uu Cabdi Maxamuud soo hadalqaaday arrinta Qalbi Dhagax, waxa uuna cadeeyay in la marin doono waxa uu sharciga ka qabo, isagoo bidhaamiyay inuu ahaa danbiile aan lasoo koobi karin danbigiisa.

Waxa uu Cabdi Maxamuud tilmaamay in muddo dheer Qalbi Dhagax lagu qarinaayay Somalia, hayeeshee intaa ay ka shaqeynayeen sida lagu qaban lahaa balse ay iminka u suuragashay.

”Qalbi Dhagax waxa uu galay danbiyo badan cidna kama cafin doonto, waxaan hubaa inay jiraan dad badan oo ka danqanaaya arrinta Qalbi Dhagax, waxaanse cadeyneynaa inay la mid noqon doonaan Qalbi Dhagax”

”Waxaa weli jira Qalbi Dhagaxyaal badan oo ku dhex dhuumaaleysanaaya Somalia waxaan rajeyneynaa inay soo gali doonaan gacanteena”

”Qalbi Dhagaxa waxa uu mudan yahay in laga jaa’iseeyo danbiyada uu galay, wuu mari doonaa sharciga si looga abaalmariyo waxa uu geystay”

Sidoo kale, Hogaamiyaha is maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar ”Cabdi Iley”, ayaa ka digay in dadka Soomaaliyeed ay isku khaldaan ninka danbiilaha ah iyo kan wanaagsan.

Haddalka Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa u muuqda mid lagu xoojinaayo hadal uu dhawaan kaga hadlaayay arrinta Qalbi Dhagax.

 

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com