Cabdi Qeybdiid iyo Faroole oo maanta ku tartamaya xil culus iyo caalamka oo ka walaacsan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in guddiyada labada aqal ee arrimaha dastuurka fadhi ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dooranayaan guddoomiyaha guddiga dastuurka labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo ay soo baxayaan olole ballaaran oo C/raxmaan Faroole ugu jiro inuu xilkaan qabto.

Guddiga dastuurka labada aqal oo ka kooban 10 xubnood, oo isugu jira 5-xubnood oo ka socda Aqalka sare iyo 5 xubnood oo ka socda Golaha shacabka, ayaa waxaa muuqata in C/raxmaan Faroole uu xilkaan ku guuleysan doono marka la eego dadaalkiisa iyo in aysan muuqan xildhibaan wada dadaalka faroole mid la mid ah.

Haddii C/raxmaan Faroole xilkaan uu qabto waxaa soo baxaya welwel ay wakiilada beesha caalamka ka qabaan qalalaase siyaasadeed oo ku dhex milmo dadaalka loogu jiro dib u eegista dastuurka, taasoo lagu saleeyay jiritaanka siyaasaddo isdiidan iyo Faroole u adeegsado xilkaasi danooyin gaar ah.

Waxaa kale welwelka qeyb ka ah muranada faraha badan ee C/raxmaan Faroole mar walbo ka keeno arrimaha dastuurka, isagoo horay dhowr jeer ugu eedeeyay dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh inay wax ka badalay qodobada dastuurka.

Dhanka kale, haddii Faroole xilkaan uu qabto waxay dhaacawaysaa nidaamka awood qeybsiga ee Soomaalida, maadaama wasiirka dastuurka, guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ay kasoo wada jeedaan deegaanada Puntland, haddii Faroole kusoo baxana ay taasi xadgudub ku tahay nidaamkaasi.

Waxaa Faroole xilkaan kula tartamo doono Senator Cabdi Qeybdiid, inkastoo dadaalka uu ku jiro gaarsiisneyn midka Faroole uu juhdiga ku bixinaayo, waxaana la ogsoon yahay in Faroole oo mudo seddax bil ka maqnaa Muqdisho uu guddoomiyaha baarlamaanka la sugayay kulamada iyo doorashada xilkaan.