CC Shakuur oo si la yaab leh uga hadlay xil ka qaadistii uu sameeyey wasiir Juxa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Caank ah ee Cabdiraxmaan Cabdirshakuuf ayaa si la yaab leh uga hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyey xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wuxuu ku tilmaamay xil kaa qaadistaas mid saxan oo sharciga waafaqsan loona baahan yahay inay wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowladaha raali gelin ka bixiyaan ka hor imaatinka xil ka qaadistaas.,

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur kusoo qoray bartiisa Facebook

Xil ka qaadista uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ku sameeyey xoghayaha joogtada waxaa ka dhashay falcelis aan hanaanka dawladnimo ku haboonayn. Sidan oo kale ayaa wasiirkii ka horeeyey Mudane Odowaa uu digreeto xilka uga qaaday xoghayihii joogta ahaa Dr Ismaaciil Jimcaale, uguna magaacabay xoghaya haatan xilka laga qaaday Mudane Yaxye Cali.

Waxaa ila haboon in wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha ay cudurdaar ka bixiyaan hab dhaqanka khilaafsan hannaanka iyo habraaca maamul ee dawliga ah, Mudane Yaxyena xil kale loo raadiyo, sidii la yeelay Dr Jimcaale oo Wasaarada Cadaalada la geeyey.

Dalka weli xaalad nuglaansho ah ayuu ku jiraa oo tanaasul, kab kab iyo isku keen mudo qaadanaya u bahaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com