Cabdiraxmaan Cirro oo go’aan lama filaan ah ka qaatay guusha Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Murashaxii madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ayaa shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay Hargaysa kaga dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada in kasta oo uu ka xun yahay.

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in doorashada ay ka dhaceen “is daba marin, musuqmaasuq iyo ku shubasho aan xad lahay”.

Waxa kale oo uu Cirro sheegay in “taageerayaasha xisbiga Waddani lagula kacay tacaddi iyo xad gudubyo aad u badan”, waxaanu intaa ku daray in uu ka xunyahay “cabudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo muwaadiniinta iyada oo loo adeegsanayo xooga ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ee loogu talo galay in ay dadka cadawga ka difaacaan” in kasta oo aanu eedaymahaas wax caddaynaya soo bandhigin.

Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi “waxaan u tanaasulay nabadda, wada jirka iyo midnimada ummada Somaliland” waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “waxaan go’aansaday in aan natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoob dhoobay aan aqbalo”.

Aqbalaadda Cirro ayaa dad badan ay lama filaan ku noqtay maadaama uu horey u sheegay in doorashada lagu shubtay, waxayse tani muujineysaa inuu danta Somaliland ka horumarinayo tiisa shaqsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com