Cabsi lixaad leh oo soo wajahday xawaaladaha Soomaalida ee Sacuudiga iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cabsi xoogan laga qabaa in Khilaaf Siyaasadeedka u dhaxeeya wadamada Khaliijka uu saameyn ku yeesha Ganacsiga Soomaalida ku nool dalalka Khaliijka.

Cabsida ugu badan ayaa laga qabaa in Khilaafka uu ku yeesho Ganacsiga Xawaaladaha Soomaalida ee ku kala yaal dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Cabsidani ayaa soo daahirtay wixii ka danbeeyay go’aanka diidmada ahaa ee dhawaan kasoo baxay dowlada Somalia, kaa oo ahaa inaanu Somalia qeyb ka noqon doonin Khilaafka Khaliijka.

Saameynta uu yeelan doono Khilaafka ayaa waxaa walwal ka muujiyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee xawaaladaha ku leh Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iyagu durba la kulmaaya cadaadis ka dhan ah go’aanka ay qaadatay DFS.

Diblumaasiyiin Soomaali ah ayaa sheegay inay suuragal tahay in Khilaafka dadban ee Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeeya Somalia uu galaafto Ganacsiga ay Soomaalida ku leedahay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Waxa ay sheegen in dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay durba Xawaaladaha Soomaalida ay culeys ka saaren dhanka Bangiyada, iyadoo la maraayo dhammaan shuruucyada u degsan Bangiyada dalalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka maaliyada Xukuumada Somalia ayaa dhawaan arrintaani kala hadlay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia Al-Othmani, oo aqbalay in wax laga bedelo arrintaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com