Cali C/llaahi Cosoble oo dacwad ka gudbinaya Ra’isul wasaare Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa safar shalay Muqdisho uu ku yimid madaxweynihii xilka laga qaaday ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu waddaa in uu la kulmo Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya,waxaana balantu ahayd in Cosoble uu la kulmo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo balse arintaasi ay suurtoobi weysay,maadama madaxweynaha uu safar galayo.

Sidoo kale,Ujeedada Cali C/llaahi Cosoble uu Muqdisho u yimid ayaa waxaa ka mid ah inuu la kulmo Beesha caalamka una gudbiyo dacwad ka dhan ah Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu aaminsan yahay in xil ka qaadistiisa uu kaalin weyn ka qaatay.

Cosoble  ayaa wali aaminsan in uu yahay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Dhanka kale,magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre Maxamed oo ay u yeertay Dowladda Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha ka soo bixi kara cakirnaanta siyaasadeed ee hadda taagan.