Caqliga reer Koonfureedka iyo cadhada Reer Waqooyiga

Midowgii labadii Gobol ee waqooyi iyo Koonfurta Soomaliya ayaa waxaa ka dhashay dawladdii Jamhuuriyadii Dimoqoraadiga ahayd ee Soomaaliya, asal ahaana, fikirka isutaga labadaas gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya sameeyay, waxaa iska lahaa dadkii reer waqooyiga ahaa oo jibbo wadaniyad iyo Soomaali jecel ku qotantaa ay Madax martay, si shuruud la’aan ahna ula midoobay walaalahoodii Koonfureed, iyadoo taa bedelkeeda ay walaalihii Koonfureed ku abaal mariyeen walaalahoodii reer Waqooyi ee calanka keenay inay wax yar oo saamigii dawladnimo ah siiyaan, halka dhamaanba xilalka sarsare ee dawladnimo ay iyagu qaateen, iyagoo aan u qiimeyn Goboladdii waqooyi sida gobol iyaga la mid ah oo kusoo biiray, saamiga dawladnimo-na loo qaybsado si siman, balse, waxay kazoo qaadeen gobol iyaga ka mid ah oo kale, tannina, waa nadariyad iyo aragti aan isbedelin oo ilaa iyo maanta ay wax ku qaybiyaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo waxgaradka reer koonfureedku.

Arintani, waxay guux iyo dareen gelisay aqoonyahankii, siyaasiyiintii iyo shacabkii reer waqooyiga ahaa, oo iyagu u arkay in sidii ay u liseen aan loogu hanbayn, sababtaas awgeed, ayaa saraakiil cadhaysan oo reer waqooyi ahaa ay sanadkii 1961kii  ku kaceen inqilaab fashilmay oo ay rabeen inay waqooyiga ugu soo celiyaan dawladnimadii la wareejiyay, iyadoo dhamaanba saraakiishaas xabsiga la dhigay kadib fashilkii inqilaabka, Nasiib Darro-se, tani, wax caqli iyo garasho ah uma siyaadin siyaasiyiintii reer Koonfureedka ahaa iyo shacbigoodaba, oo iskuma deyin inay fahmaan cabashadda reer waqooyiga, gadoodka saraakiishooda iyo waxa ay salka ku hayso-ba.

Dhab ahaantii, arimuhu intaas oo qudha kuma ay koobnayne, dawladdii kacaanka ahayd ee dalka ka talinaysay mudadii 21ka sanadood ahayd ee uu gadh-wadeenka ka ahaa General Maxamed Siyaad Barre waxay bilowday in si xeeladaysan, amaba mararka qaar badheedh u ekayd looga midh-siibo dadkii reer waqooyiga ahaa hanaankii dawladeed ee ay ka mid ka ahaayeen, iyadoo qaarkoodna xabsiga la dhigay, tanina waxay u gogol xaadhay, soo if-bixida bilowgii belaayadda iyo halaaga Soomalida, iyadoo Sanadkii 1981 Jabhaddii SNM lagaga dhawaaqay dalka Ingiriiska, iyadoo  u taagnayd 65%  inta badan aragtida iyo rabitaanka dadkii kasoo jeeday Goboladda Waqooyi, waxaanay tan lafteedu albaabada u furtay asaasitaanka jabhaddo kale oo hubaysan oo ka dhex hilaacay qaybihii kale ee Soomaalidii Koonfureed, midba sabab ay ku aasaasantaba.

Gebagabadii Dagaal qadhaadh oo qaatay 10 sanadood kadib, sahaydayna nolosha kumanaan kun oo qof, dumiyayna inta badan magaalooyinkii waaweynaa ee Goboladii waqooyi, waxay jabhaddii SNM ku guulaysatay inay gacanta ku dhigto goboladii waqooyi, iyadoo shir beeleed u qabatay sanadkii 1991kii dhamaanba beelihii ku wada dhaqnaa goboladaas waqooyi,  halkaasna lagga dhawaaqay dawladda la magac baxday Somaliland oo ah mid ilaa waqtigaas aan wax aqoonsi diblumaasiyadeed ah ka helin dunida kale, halka Soomaalidii reer Koonfureedka ahaydna ku dacwiyayaan inay Somaaliland-ta cusubi ka mid tahay Soomaliya inteeda kale, Soomaaliduna aanay sinaba u kala go’I Karin.

Marka laga yimaado dooda dhex taala labada qolo ee waqooyiga iyo Koonfurta ee ku aadan Soomaliya waanu ka go’nay iyo ma go’I kartaan, weli qolyaha reer koonfureedku caqligoodu kuma guulaysan inay fahmo, qanciyana, amaba la yimaado hanaan iyo jawi uu ku hanan karo quluubta reer waqooyiga ah si uu badbaadiyo midnimda iyo Somaalinimadda ay gaadhka ka hayaan, halka aanay reer Waqooyigana ay cadho iyo fogaansho ka qaadeen caqliga iyo garashada siyaasadeed ee reer Koonfureed marka laga hadlayo habka saami qaybsiga dawladeed ee labadii gobo lee isu tegay sanadkii 1960 kii ee waqooyi iyo Koonfur.

Docda kale, haddii aynu tusaale yar oo kooban usoo qaadano, qaybtan ugu danbaysay ee ay haatan aqalka sare saami ahaan u qaybiyeen reer koonfureedku, waxaa saami isku mid ah helay  Somaaliland, Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland, koonfur Galbeed, iyadoo reer waqooyiga u aqoonsan yihiin waxaas oo dhan, ficliyana ay tahay inay dhaamntood kazoo wada jeedaan Koonfurta Soomaaliya marka laga reebo Somaliland.  Arintanina waa  cashar siyaasi ah oo reer koonfureedku mar kale sabuuradda garawshiiyo la’aanta ugu dhigeen reer waqooyiga, cadho badana ku keentay inta badan dadka reer waqooyiga ah, khaas ahaan, kuwa aaminsan midnimadda Soomaaliyeed inay lama huraan tahay, halka ay dhanka kale  qiil weyn iyo badhitaar u noqotay dadka reer waqooyiga ah ee aaminsan gooni isu-taaga Somaliland inuu yahay mid lama taabtaana, kuna tilmaama walaalaha reer Koonfureedka inay yihiin kuwo aan u bislayn walaaltinimadda iyo wax wada yeelashada dawladeed.

Isku soo wada duuboo, dad badan ayaa waxay xal u raadinayaan sida fahamka siyaasiga ah ee reer koonfureedka loo waafajin karo waaqiciga ku gadaaman in la helo Soomaali wax uun isku raacda, gaar ahaan, labadan Gobol ee waqooyi iyo Koonfur, maadaama, aanay reer Koonfureedku la iman jawi iyo saaxad siyaasiya oo saamaxaysa in loo kala tago si ku qotonta rabitaan ka yimaada labada dhinacba, amaba la wada joogo, oo saamiga dawladnimo noqdo mid loo qaybsado si ku qotonta labadii gobol ee midoobay sanadkii 1960 kii, si kastaba ha ahaatee, waxaynuna ka dhursugaynaa jawaabta kasoo baxda xaal raadintoodaasi waxay noqoto iyo nuxurka wareed ee mustaqbalku ina waraabiyo.

Qalinkii Hussein-lucky Mohamed Mohamoud.

Email, husseinlucky@hotmail.com, Burco 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com