Caqliga sare iyo difaaca diinta Islaam-ka (Sheekada wadaad muslim ah oo si xikmadeysan ku islaamiyay BAADARI)

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada kadhex qaylinaya, wuuna ugalay, kadibna wuu dhex fariistay, isagoo u malaynaya inayna garan doonin.

Badarigii Kaniisaduna markuu hadal is yirina sheekhii buu arkay, wuxuuna yiri “Ma hadlayo ilaa aad inaga dhex saartaan ninkaas muslimka ah.” Waxayna weydiiyeen: Sideed ku ogaatay inuu Muslim yahay? Wuxuuna yiri (Muslimiinta wajigooda waxaa kutaala calaamada/ raadkii sujuuda) wuxuuna kacodsaday inuu boxo sheekhu, sheekiina wuxuu yiri “Mabaxayo ilaa uu Ilaahay ina kala saaro”.

Badarigiina wuxuu yiri “Hadaba waxaan ku weydiinayaa dhawr Su’aalood, hadaad si sax ah uga Jawaabtana waxaan raacaynaa diintaada, hadii kalana Seef baa inaga dhaxaysa! Sheekhiina wuxuu yiri soodaa Su’aalaha, isagoo aad ugu kalsoon inuu Ilaahay qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo. Badarigiina wuxuu yiri iisheeg:

Waaxid aan laba noqonin? Labo aan Sadex noqonin? Sadex aan Afar noqonin?

Shan aan Lix Noqonin? Lix aan Todoba noqonin? Todoba aan Sideed noqonin?

Sideed aan Sagaal noqon Karin? Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?

Mase taqanaa tobanka badan kartaa? Maxayse yihiin 11 ku?

Mase taqaanaa Qabrigii lasocday qofkiisii?

Muxuuse yahay shayga aan noolayn, ee neefsadaa?

Muxuuse yahay shayga uu Rabbi abuuray, isla markaana uu nacay?

Yaa waaye kuwa runta sheegay ee naarta galay? Iyo kuwa beenta sheegay ee Janada galay?

Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray aabe iyo hooya la´aan?

Mase taqaanaa geed leh 12 laamood, laan kastana leedahay 30 waraaqood, warqad kastana leedahay 5 sabuul, sadex hooska kubaxda iyo labo qoraxda ku baxda?  

Kajwaab Su’aalahaas!!!

Sheekhiina wuu istaagay, Ilaahay buuna weydiistayna inuu carabkiisa Xaqa kutoosiyo, wuxuuna yiri:

Waaxidka aan Laba noqnini waa – Ilaahay (swt)

Labada aan Sadex noqnina waa – Habeenka iyo maalinta

Sadexda aan Afar noqonina waa – Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse calayhi asalam

Afarta aan 5 noqonina waa – Tawraad, INjiil, Sabuur iyo Quráanka

Shanta aan Lix noqonina waa – Shanta Saladood ee Ilaahay faral yeelay

Lixda aan Todoba noqonina waa – Maalmihii uu Ilahay aduunka ku abuuray

Todobada aan Sideed noqonina waa – Todobada Samo ee Rabbi abuuray

Sideeda aan Sagaal noqonina waa – Malaa’igta haysa Carshiga Rabbi (swt)

Sagaalka Mucjisana waa – Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse   

Tobanka badan kartaana waa – Ajarka Camalka wanaagsan ee Rabbi usii badin karo qofkuu rabo.

Koobya Tobanku waa – Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf walaalihii

Sadex iyo Tobankuna waa – Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid

Shayga aan noolayn ee neefsadana – Waa Subaxda (wassubxi idaa tanaffasa)

Qabriga lasocday qofkii kujirayna waa – Xuutkii liqay Nabi Yunus calayhi asalam 

Kuwa runta sheegay ee naarta galay waa Yahuuda, oo yiri; Kirishtanku xaq kuma taagna, iyo Kirishtanku oo yiri; yahuudu xaq kuma taagna, labada qolaba run bay sheegeen, naar bayna gali doonaan, gaalimadooda darteet.

Kuwa beenta sheegay ee Janada gali doonana waa Yusuf walaalihii, oo yiri; Yusuf dhurwaa baa cunay, kadibna aabahood baa Ilaahay danbi dhaaf u weydiiyay, Rabbina wuu u danbi dhaafay.

Uunka uu Rabbi (swt) aabe iyo hooya la´aana abuurayna waa; malaa´igta, oo kasamaysan Nuur, una baahnayn, hooyo aabe, cunto, cabitaan iwm midna.

Sidoo kale aabeheen Adam, malahayn aabe iyo hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa hooyo, balse aabe malahayn.

Geedka 12 laamood lihina waa Sanadka, oo kakooban 12 Laamood/ bilood, bilkastana waxay leedahay 30 warqadood/ maalmood, maalin kastana waxay leedahay 5 Sabuul/ Salaadood, sadex hooskay kubaxaan; Maghrib, Cishe iyo subax, labana qoraxday ku baxaan waana Duhur iyo Casar.

Kadibna sheekhii wuxuu kuyiri Badarigii; anu hal su´aal ah maku weydiin karaa?

Isna wuxuu yiri; Haa, soodaa, wuxuuna weydiiyay muxuu yahay Janada furaheedu? Badarigiina wuu wareeray, wuuna aamusay, waxaana ku qaylyay dadkiisii, oo yiri; waxaad weydiisay Sheekha su´aalo faro badan, dhamaana wuu kaaga jawaabay. Isna hal su´aal ah ayuu kuweydiiyay, mana kajawaabi kartid!!!

Badarigiina wuxuu yiri; jawaabta waan aqanaa, balse idinkaan idiin cabsanyaa….

Iyagiina waxay dheheen; waxba ha cabsanine kajawaab su´aasha!!

Wuxuuna ku jawabay Janada furaheedu waa; (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah).

Iyagiina haljeer bay kaceen dhamaan-toodna dheheena (Laa ilaaha ila Allah, Muxamad rasulu Allah)

Badarigiina way raacdeyeen, kaniisadiina waxay u badaleen Masaajid ilaahay lagu cabudo.

Dr. Axmad Cabdulahi – Editor of society, health and education policy for Keydmedia Axmed.abdulahi@Keydmedia.net