Carabta iyo Quruxda: Afarley toban ah oo ay gabdhaha ka eegaan!

Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-

– Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.
– Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
– Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
– Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.
– Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.
– Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.
Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.
– Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.
– Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.
– Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.

Sidoo kale Aqri: Soomaalida iyo Quruxda: Gabadhii laga helo 26 sifo lama sii daayo.

W/D: Sabriye Macallin Muuse