Carruurta kusoo ciyaarta banaanka oo ka indho wanaagsan kuwa guryaha lagu hayo (Warbixin)

WD Yusuf Shuqale Hassan

yhamari@gmail.com

Carruurta ayay qasab tahay in lagu dhiirrigeliyo iney dibadda guriga ku soo ciyaaraan si ay uga gaashaantaan aragga indhahooda oo yaraada.

Xaaladda aragti ee ugu daran oo loo yaqaano Myopia ayaa ayadu sababta in waxyaabaha fog fog ay u muuqdaan kuwo cawiran “Blurred” , halka waxyaabaha kugu dhowna aad u arki kartid si waadax ah, laakin tani, waa Myopia’e, waxey kugu hoggaamineysaa indho la’aan.

Inkastoo kiisaska Myopia ay awalba sarreeyeen ayaa hadana qabiir indhaha ku taqasustay oo Australian ah waxey ka digeysaa iney dhaqsa u kordheyso cabsida laga qabo Myopia.

Cilmi baaris ayaa muujineysa in Myopia ku badaneyso dalalka ay ka jirto nidaamka waxbarashada deg degga ah “Intensive Education Regime” kuwaaso carruurta ku qasba iney waqti badan ku bixiyaan joogitaanka guriga.

Prof. Kathryn Rose oo madax ka ah qeybta Orthopedics ee University Of Technology Sydney, ayaa tiri “Waxaanu ogaaneynaa inuu koritaan sare oo Myopia ah jiro, taaso dhibaato weyn nagu keeneysa”

Waxey sidoo kale sheegtay in qodobo xagga deegaanka quseeya ay door weyn ku leeyihiin kobcitaanka Myopia.

“Wey caddahay in arrimo xagga deegaanka ah ay xowli u yeelayaan Myopia, maxaa yeelay baahsanaanta koritaanka ee waddamada qaar ay cirka isku shareertay muddoo tobaneeyo sano ah” ayey tiri Prof. Rose.

“Inkastoo dadku u malayn jireen in Myopia ay tahay Hiddo, laakin haatan waa waadax iney aad u kordheyso, sidaa darteed ma dhihi karo waa wax la iska dhaxlo laakin waxaanu dhihi karnaa waxaa jira qodobo xagga deegaanka ah”.

Waddamada waxbarashada u qiimeeya sida deg degta ah ee carruuta aan inta badan siinin fursad ay bannaanka ku qaataan, ayaa iminka kaalimaha hore kaga jira kuwa helay Myopia, sida ay sheegtay Rose.

Warbixin dhowaan isbar-bardhig ku sameysay ilmaha Chineseka ee ku nool Australia iyo kuwa ku nool Singabore ayaa lagu ogaaday in carruurta Chineseka ee Australia ay ka hooseeyaan heerka cudurada indhaha marka loo eego kuwa ku nool Singabore.

Carruurta Chineseka ee Sydney ku nool ayaa ah 3% kuwa qaba Myopia halka kuwa Singabore ku noolna ay qabaan 29%.

Australia carruurta Chineseka ah ayaa toddobaadkii waxey dibadda ku soo qaataan 13 saacadood, halka kuwa Singabore ay 3 saac oo qura ay dibadda ku qaataan.

“Myopia wax shaqo ah kuma laha Jinsiga qofka ee waa wax la socda qaab nololeedkaada.” Ayey Prof. Rose sheegtay.

Fallaaraha ama waxyaabaha la arkayo ayaa intii ku dhici lahaayeen qeybta dambe Nudaha Iftiinka dareema ee loo yaqaano Retina, waxey ku dhacayaan qeybta hore ee Retina taaso ka dhigeysa in waxii la arki lahaa ay cawir yeeshaan “Blurred”.

Waddanka Australi ayaa 20% dadku qabaan Myopia, UK mid ka mid ah saddexdii qofba waa uu aragti gaaban yahay halka Ameerika ay 24% saameysay shacabka.

Dunida kale, sida Bariga Asia aad bey qubaradu uga digayaan oo wey ku badan tahay.

Wargeyska Nature ayaa sheegay dhalinyarada dalka China ee ka yar 20ka sano ay 90% aragtidoodu gaaban tahay, ayadoo 60 sano ka hor dalkaas China ay ahaayeen 10-20 boqolkiiba dadka aragtida gaaban dhamaan dalka oo dhan.

Sidoo kale qiyaas la sameeyey ayaa sheegeysa in dunida oo dhan saddex meelood hal meel (1/3) ay qabi doonaan Myopia dhamaadka sanadka 2019ka.

Padmaja Sankaridurg oo ah madaxa barnaamijka Myopia ee mac-hadka Brien Holden Vision Institute ee magaalada Sydney ayaa isagu ku dooday “Waxaanu iminka ciriiri gelineynaa waddadii ay mari lahayd Myopia.”

Laakiin Prof. Rose ayaa ka digtay in macluumaadka la heli karo ay aad u xaddidan tahay loona baahan yahay in baaritaanka la sii wado.

“In badan oo ka mid ah tani waa wax aan rasmi aheyn, waxeyna ka imaaneysaa dhaqaatiirta indhaha oo ayagu aad ay u quseyso koritaankan Myopia ee carruurta yar yar”

“Waxaanu ku talineynaa in carruurta ay da’doodu ka hooseyso lix sano jir ay qasab tahay iney bannaanka guriga ku soo qaataan 10 saacadood toddobaadkii taasoo ka caawineysa iney ka hortagaan Myopia” ayay ku soo gabagabeysay Prof. Kathryn Rose.

DHAMAAD