Caruurta Tanzania ee Albinooska jirkooda la iibsado oo daryeel ka helay Mareykanka: Sawirro

Dalka Tanzania waxaa gambasho ku jira dadka daba cudurka Albino “baraska”, kuwaasi oo xubnaha jirkooda lacag aan caadi aheyn lagu iibiyo, waxayna taasi keentay in la ugaarsado dadka qaba cudurkaan rabbaaniga ah.

Burcad ka ganacsada jirka ayaa jira, kuwaasi oo ku hubeysan mindiyo iyo baangado, waxayna qofkii qaba cudurkaan oo fursad ay ku helaan kaxeystaan ama baangad ugu goosta gacanta ama lugta si looga iibiyo sixiroolayaasha dalkaasi oo u arka in qofka baraska qaba hilibkiisa qofkii lagu daweeyo uu caafimaadayo iyo in xubin ka mid ah dadkaasi in haddii la haysto la noqonaayo taajir.

Caruur fara badan ayaa xubnahooda jirka ah ku waayay, oo burcada manaxayaasha ah ay baangado ugu jarteen gacmaha iyo lugaha, kuwaasi oo hadda qaarkood daryeel caafimaad ka helay dalka Mareykanka, gaar ahaan hay’adda Global Medical Relief Fund, halkaasi oo gacmo iyo lugo macmal ah looga sameeyay.