“Caruurteyda ayay igu hor dileen kadibna waxa ay i xasuusiyeen beesha aan kasoo jeedo”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya dhibaatooyinka lagu hayo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo ciidamada Galmudug iyo Puntland ay ku hayaan midab sooc.

Ciidamada Puntland ayaa Gaalkacyo ka bilaabay howlgal ay ku soocayaan dhalinyarada ay uga shakisan yihiin in dagaalka ay garab kusiiyaan ciidamada Galmudug.

Aabe Cusmaan Cumar oo kamid ah dadka dega Galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay aqalkiisa ugu soo galeen muran dheer kadibna ay dileen laba wiil uu dhalay.

Aabe Cusmaan, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan dhinac ka aheyn dagaalka labada maamul u dhexeeya balse loo sheegay in sababta carruurtiisa loo dilay uu ahaa inuu yahay Oday deegaan ahaan iyo Beel ahaanba raacsan Galmudug.

Waxa uu sheegay in goortii la dilay carruurtiisa isla lagu wargaliyay inay dilayaan haddii uusan ka guurin guriga uu degan yahay.

”Waxa ay ii sheegen waxa aan ahey iyo Beel ahaan cida aan kasoo jeedo, anigu maba aan ku xisaabta meynin qabiil ayaa dadka lagu soo cayaa balse wey dhacday”

Aabe Cusmaan waxa uu sheegay in hadda uu ka guuray hooygiisa isla markaana uu dulsaar ku yahay qoysas kale oo ay qaraabo yihiin kuwaasi oo iyaguna kasoo cararay colaada.

Qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dagaalamaaya ciidamada kala taabacsan labada maamul dagaalkaasi oo socda Bil iyo dhowr cisho.

Ma jirto Odayaal iyo Mas’uuliyiin ku baxay daminta colaada, waxaana faraha kasii baxaaya khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Galkacyo
Caasimada@live.com