Caymo ayey Puntland u baahan tahay (qaybtii 1aad)

Himiladii Puntland iyo Majaro Habawgii Siyaasadeed

Sidda laga wada dharag sanahay Puntland waxay dhisan Tahay Muddo ku siman 18 sano waxaan wada dhistay dad weynaha ku nool Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag, Bari oo ku midoobey in la dhiso Magac Dawladda Puntland.  Guul baa loogu heesay. Sida laga wada dharagsan yahay, Puntland waxay noqotay hooyaddii, hor-joogihii iyo jiheeyihii dastuurka Federalka Soomaaliya. Sumcad bay ummadda Soomaaliyeed oo dhan kaga kasbatay. Waxaa soo maray hoggaammo siyaasadeed oo midiba heer sharfan gaarsiiyey.

Nasiib-darro, hadafkii Puntland lagu dhisay iyo himiladii shacabkeeda waxaa cagta mariyey Madaxweyne Gaas oo u adeegsaday inay u noqoto JaranJar lagu koro siyaasadda soomaaliya, maqaamkii Puntland lahaydna hadaan ka tuuray.

Maanta Puntland waxaaan muran ku jirin inay ka qayb qaadatay jabintii shuruucda dastuurka qaranka Soomaalilyeed, musuqa iyo hanti-boobka dalka ragaadiyey. Madaxweynaha Puntland wuxuu caadaystey inuu danihii iyo himilooyinkii shacabka Puntland u doortay uu gees maray oo khayaano qaran ku sameeyey Gaas.

Siyaasadda Puntland wuxuu u horseeday dhaqanka kaligi-talisnimo tii u xuumayd oo xataa ku diimaan hoggaamiyeyaasha Milatarigu oo xukunka dalalkooda booba. Waxaa caado u noqotay inuu xabsiga dhigo cid kasta oo ka dhawaaqda hoggaan-xumadiisa. Waxaan aflagaadhadiisa ka badbaadin isimaddii asaasay Puntland. Waxaa xukun-xumadiisa dalka uga haajirey hal-door badan oo ay Puntland lahayd.

Puntland waxay u baahan tahay in Gaas laga badbaadiyo inta aan jiritaankeedu taariikhda Soomaaliyeed ka bixin. Aawey baarlammaankii loo hanweynaa oo aynu doorannay? Ma qayb bay ka noqdeen laaluushka iyo hanti-boobka ku socda? Aawey isimmadii taladooda Puntland lagu dhisay? Ma waxaa danayn la’aan ku daawanayaan burburinta Puntland? Aaway indheergaradkii Puntland?

La soco qaybta labaad ee Qormadaan oo aan ku soo bandhigi doono hantida lagu iibsaday jiritaanka Puntland.

W/Q: Xildhibaan hore, Cabdi Barre Yuusuf Jibriil

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com